Gudida horumarinta gobolka Togdheer ee UK “Togdheer Development Foundation” $36,200 ugu deeqay dib-u dhiska madaarka Burco

IMG_9969 (800x533)Casho sharaf ay soo qabaan qaabiyeen gudida “Togdheer Development Foundation” gudida horumarinta gob0lka Togdheer ee UK, laguna qabtay galbeeedka London. madashan casho sharafta ah oo kulmisay dhamaan qeybaha bulshada reer Somaliland siiba gobalka Togdheer, Salaadiin, Oday dhaqmeed, Siyaasiyiin, Waxgarad, Haweenka iyo dhalinyaradaba.
IMG_9964 (800x533)
Casho sharaftan oo loo qabtay madaarka Burco daba socotayna kulamo hore oo ka kala dhacay dacalada Lodon. casho sharaftan oo lagu gudida TDF ay ku wareejinaayeen dhaqaalihii bulshada reer Togdheer ee dagan London, Bristol iyo Melton Keynes ay ugu deeqeyn madaarka Burco.
IMG_9967 (800x533)
 
Madasha oo aad looga soo qaybgalay waxaana lagu wareejiyey dhaqaale gaadhaya $36,200 madaarka Burco.
Madashaas oo furitaankii uu ka hadlay Sheekh Xasan Macalin Qaasim kuna dheeraaday wadajirka iyo waxwada qabsiga, sidoo kale waxaa hadalo iskugu jira waano, mahadnaq iyo warbixino ka soo jeediyay  Gudoomiyaha TDF Eng. Saeed Hassan Sheekeye. Sidoo kale waxa uu gudoomiyaha carabka ku dhuftay ilaa hadda inta soo gaadhay madaarka oo ah $716,700 lacagtaas oo %60 ay ka timi xukuumada Somaliland.
IMG_9971 (800x533)
Sidoo kale waxa hadalo ka soo jeediyay Gudoomiyaha SSUK mudane Abdale Salim, Safiirka Somaliland UK mudane Cali Aadan Cawaale, Suldaan Mahamuud X. Xussein, oday X. Xussein Xagar, Gudoomiye ku xigeyka labaaad ee TDF Mudane Ali- Bashiir,Mubaarik Yusuf (BIDHI)oo ah xildhibaan ka tirsan golaha degaanka ee Burco oo isna hadalo waano iyo warbixinba madasha kasoo jeediyey, iyo xubna kale oo badan oo dhalinyaro reer Burco ah. Dhamaan xubnahaaasi waxay hoosta ka wada xariiqeen in midnimnada gobalka iyo wax wada qabsigu ka go’an yahay loona baahan yahay isku xidhnaan iyo waxwada qabsi.
 IMG_9974 (800x533)
Gabagabadii waxa mahadnaq iyo taageero loo soo fidiyay hablihii ka mid ahaa gudida ee sida fiican uga hawl galay dhaqaale uruurinta la’aantoodna aan howshaasi hirgasheen sidoo kalana soo agaasimay casho sharaftan iyo kulankanba, sida;
Faisa mahamed, Asha Abokor, Faadumo Aadan,Amaal Cabaade, Khadra Saleebaan, Yaasmiin Ahmed iyo dhamaan hablihii kale ee hawsha la wadayba.Waxa kale oo madasha fadhiyey Xubin ka tirsan Xisbiga Waddani Amaal Cabaade oo hadal aad u qiimo badan oo isugu jira horumarka iyo isku duubnaanta shacabka Somaliland waxayna sheegtay in xisbigoodu uu ahaa xisbigii ugu hor bixiyey lacagtii loo ururinaayey Madaarka Burco.
IMG_9973 (800x533)
Waxa kulanka sidasoo kale goob-joog ka ahaa xubno ka socday xisbiga UCID  qaybna ka qaatay lacagta lasoo ururiyey,sidasoo kale waxa taakuleynta lacagta lasoo bandhigay iyaguna qaybtooda ka qaatay xisbiga talada Somaliland gacanta ku haya ee Kulmiye iyo xisbiga Waddani .
IMG_9985 (800x533)
Sidoo kale waxa aad loogu mahad naqay TV qaranka, TV Somali Chanal iyo Salaanmedia.com oo si aan hakrasho laheen dhamaan ilaa bilawgii hawshaa ilaa iminka soo tabinaayay taageerayayna hawshan…
IMG_9977 (800x533)
IMG_9978 (800x533)
Xamse Axmed Salaan 
London
www.salaanmedia.com
hamse100@gmail.com