Halkan ka Akhri Wararkii Wargeyska Hubaal ee cadadkii Maanta oo Isniin ah 16.Sep.2013

1

Muj. Boobe Yuusuf Oo Sheegay In Xukuumaddu Bog-dooxday Milgihii Caasimadda Somaliland iyo Magacii Maxamed X. Ibraahim Cigaal

 

GUDAHA KA AKHRI: Waraysi Gaar Ah oo Wasiirkii Hore ee Warfaafintu Siiyey Wargeyska HUBAAL Shalay

“Afartii Malyan Iyo Badhkii Meesha Kama Muuqdaan, Haddii Laga Tegi Waayo Waxoogaa Qosol-ku-jab AhDaarihii Hore Lagu Kordhi…..Xukuumaddaa Ceebaysay Magacii Caasimadda iyo Magacii Maxamed X. Ibraahim Cigaalba.”

Md. Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaaradda War-faafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibka iyo muranka sii kordhaya ee ka taagan Gegida Diyaaraduhu ka haadaan ee caasimadda Hargeysa. Mujaahid Boobe oo Maalintii shalay waraysi gaar ah siiyey Wargeysa Hubaal, ayaa naqdiyey qaabka iyo Hannaanka loo maamulay lacagtii Dawladda Kuwait ugu talo gashay in lagu dayac tiro dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ee Caasimadda Hargeysa. Ugu horeyn waxa uu mujaahidku faahfaahin kooban ka bixiyey meelaha ay maalmahan ugu dambaysay ku badnayd hadal-hayntu ee shacabku dhibta badan ka dareemayeen, “ Dhawaaqa ugu dambeeyey ee Baxayey Maalmahani waa saddex meelood oo kala ah, madaarka Hargeysa muranka ka taagan, midna waa shirkaddii shidaalka ka baadhaysay goobo ka mid ah dalka iyo cashuuro la leeyahay waa la kordhiyey oo la geynayo Baarlamaanka ka sokow shir-beeloodyadii iska dhaqanka noqday intii maamulka Siilaanyo uu talada dalka qabtay ee aad moodayso in dadka lagu dhirri gelinayo” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale. Sidoo kale waxa uu farta ku fiiqay qaddiyadda Diyaaradda Itoobiya isaga oo sheegay inaanay shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline lagu eedayn Karin Joojinta ay hakisay duulimaadyadeedii caasimadda Hargeysa, waxana uu yidhi, “Mashaqada ka taagan Garoonka caasimadda Hargeysa, waxaana uu carrabaabay lacago badan oo wasiirka duulistu sheegay inay garoonka gashay, waxana uu yidhi, “Mushkiladda Garoonku ma aha mid ay leedahay Ethiopian Airline waayo waa shirkad ganacsi,markaa sida muuqata eeddu innaga ayey inagu soo noqonaysaa. Toban milyan oo Doollar Kuwait baa Garoonka Hargeysa ugu deeqday, markii dambena Wasiirka Duulistu yidhi, hal milyan-na waxa ay ku baxeen sahankii, Sagaalkii kalena waxanu u kala qaybinay Garoomada Berbera iyo Hargeysa sidii wax ay Labada Garoon isku Baahan yihiin, caqliguna waxa uu ku siinayaa in baahida labada garoon kala mudan tahay”. Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Boobe waxa uu sheegay in haddii la raaco sida uu wasiirka duulistu ku andoocanayo, ay tusaale fiican tahay Garoonka

Diyaaraha ee Magaalada Jigjiga ee Dawlad-deegaanka soomaalida, waxana uu yidhi, “Haddii aynu raacno sida uu Wasiirka Duulistu sheegay, Halkan waxa yaalla Jigjiga oo inoo jirta wax ka yar oo Lagu dhisay 3.68-milyan oo Doollar lagu dhisay, lagana soo bilaabay in beero jaad ah dadkii laga iibsado oo Geedkiiba la qiimeeyo, lagana dhisay madaar caalami ah oo ishii aragtaa daawanayso, islamarkaana ay u dhamaystiran yihiin dhamaanba wixii Garoon lahaan jirey ee dhisme iyo dhulba lahaa oo Gaaladu marka ay ka soo degaan yaabto”.Mujaahidka oo ka hadlaya dhal-dhaalinta kooban ee lagu sameeyey Garoonka Cigaal International Airport, ayaa yidhi, “Innaga wixii waxba inooma ay goyn , waa Been cidda tidhaahda garoonka Hargeysa waxba lagama qaban, laakiin wixii loo baahnaa ama Afartii malyan iyo Badhkii dee meeshii kama muuqdaan oo horta dhisme ma jiro, waxoogaa yar yar oo qosol-ku-jab ah daarihii hore lagu kordhiyey, Haddii laga tegi waayo, la buuxbuuxi Godad meesha ku yaallay, waddo laba kiiloomitir iyo Badh ku dhawnaLakab la saar oo la madoobee Siliggiina waa maqan yahay.”Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuc ducaale (Boobe) waxa uu si cad u sheegay inay xukuumadda Somaliland meel kaga dhacday oo ceebaysay Magacii Caasimadda iyo kii qarankaba, waxana uu yidhi, “ Tobankeenii milyan Haddii ay intaa inoo gooyeen innagaa daraygaa is dhignay oo caasimadda ceebaynay, xukuumaddaa ceebaysay Garoonka, Magacii caasimadda Somaliland iyo Magacii Maxamed X. Ibraahim Cigaal, jabkii ku dhacay dadkii qurbejoogga ahaa iyadaa ku ceebaysan.” Waxa kale oo uu mujaahidku ka hadlay cashuuraha xad-dhaafka ah ee Madaxtooyadu soo waddo, isagoo golaha wakiilladana uga digay inay ka digtoonaadaan inay sii daayaan wax shacabka dhibaato ku ah oo aanay godobtii hore ee ay dadkooda ka galeen dhinaca cashuurta aanay mar dambe ku noqonin. Sidoo kale waxa uu mujaahidku sheegay inaanay dadka qabanin in iyadoo la arkayo lacagtii madaarku inay luntay oo hadalkeedii taagan yahay in mar kale lagu yidhaahdo cashuuro hor leh bixiya, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay cashuuraha ay haatan qaadaan ay dadka wax ugu qabtaan oo caafimaadkooda iyodaryeelka Noloshooda horumarinteeda kaga shaqeeyaan. Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah dadka faro-ku-tiriska ah ee xaqiiqada biyo kama-dhibcaanka ah inta badan ka hadla, waxana ay shacabku dhego-nugayl kula socdeen qoraallo isdaba joog ahaa oo uu warbaahinta marin jirey.

 

Wasiir Socod-barad Ku ah Siyaasadda Oo Ku Saxday War-celin Lagu Amray Inuu Siiyo Mujaahid Ay War la’aani ka Hayso.

 

Hargeysa (Hubaal) – Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland CabdiwaaxidCabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa jawaab qadaf ah kula dul kufay Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo Dalka magac iyo maamus ballaadhan ku leh. Wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo ah shakhsi haatan uun gaadaalada siyaasadda Baranaya, islamarkaana aan awood muuqata ku lahayn mansabka uu xukuumaddan ka hayo, ayaa u soo biyeystay inuu ka dhex muuqdo xukuumaddan oo xubnaheedu ku dallacaan cayda iyo aflegaadadda cidda xukuumadda Naqdida.Cabdiwaaxid oo daba socday Waraysi uu Muj. Xasan Guure shalay Siiyey HCTV oo uu kaga Hadlayo Xaalada dalku Marayo iyo Safarka Madaxweynaha ayaa isla xalay markii uu daawadayba waxa uu Wasiir ku xigeenku shir saxaafadeed u qabtay qaar kamid ah warbaahinta Maxalliga ah, waxaa uu xaasidnimo iyo xaqiraadkula dul kufay mujaahidka isaga oo kala masuugaya milgaha uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay, ha yeeshee taas beddelkeeda uu Cabdi-waaxid ku tilmaamay Oday reer Hargeysa ah, waxana uu yidhi, “waxa maanta (shalay) hadal jeediyey Oday Xasan Guure oo ka hadlay madaxweynaha Safarkiisa oo sheegay in dalkii dawladdu ka wada maqan tahay oo madaxweynihii maqan yahay, ku-xigeenkii maqan yahay wasiirkii daakhiliguna maqan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Cabdiwaaxid. Wuu Sii waday Hadalkiisa, waxaanumujaahidka weyn ee Xasan Guure Jaamac ku macneeyey nin u haysta inay Burco tahay meel dibadda ka ah Somaliland, isagoo aqoon-darro ba’ani ka hayso maamuuska uu ku leeyahay Deegaanada Somaliland oo ay Burco ugu horrayso, waxana uu yidhi, “ Xasan malaha waxa uu Burco u haystaa meel dibadda ka ah Somaliland, madaxaweynuhu Haddii uu doono lix Bilood buu joogayaa Burco”. Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland cabdiwaaxid cabdiqaadir oo aan lagu aqoon inuu cid u jawaabo, ayaa haatan hadalkiisa laga dhadhansanayay amar lagu siiyey inuu u jawaabo mujaahidiinta dalkan ee xukuumaddu ka diddo talooyinkooda. Sidoo kale waxa uu indho la’aan ku difaacay masuuliyiinta iyo wasiirrada daba yaacay madaxweynaha iyagoo aanay wax hawl ahi uga bannaanayn goobaha uu waftigu u ambabaxayo, iyagoo qaarkood albaabada u soo laabeen xafiisyadii ay umadda uga shaqaynayeen, waxana uu ku tilmaamay kuwo macno u samaynaya safarka madaxweynaha.Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale aqoon-darro darteed ku tilmaamay dhagax dhig uu sheegay inuu madaxweynuhu ku samaynayo Waddada Burco iyo Ceerigaabo dhamaystirka Ballanqaadkii Kulmiye, waxana uu Hadalkiisa u dhigay sidii ay waddadii dhamaatay oo kale, isagoo dhagax meel la dhigay ku sheegay ballan-qaad fulay, waxana la hubaa inay jiraan dhagaxaan badan oo uu madaxweynuhu meelo dhigay balse aan shaqo dambe lagu darsan. Cabdiwaaxid oo aan wax badan ka aqoon taariikhdii Halganka ee dalkan, ayaa la hubaa inuu ku hafan doono jawaabta lagu amray inuu siiyo Mujaahidiinta dalka ugu waaweyn, waxana Haatan laga sugayaa jawaabta ay Hadalkiisa ka bixin doonaan mujaahidiintii dalkan dhibaatada badan kala soo dabbaashay.

3

Hoggaamiyaha Madasha Toosinta Oo Sheegay Inay Farta Ku Fiiqi Doonaan Sababihii Genel Energy iyo Ethiopian Airline Uga Baxeen Dalka

 

Hargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaaahid Xasan Guure ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo uu u soo jeediyey madaxweynaha Somaliland siyaasiyiinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka.Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland waxa uu sheegay in madaxweynaha looga fadhiyo inuu ka hadlo xaalada uu dalku ku sugan yahay, isaga oo sheegay inaan madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku aanay ka hadal arimaha shirkada Genel Energy, “eedda waxa uu noogu soo jeediyey inaanu shirkada Genel Energy iyo shirkada Ethiopian Airline aanu been ka sheegnay tagitaankooda, labada midna anagu kamaanu hadal balse imika ayaanu ka hadli doonaa oo aanu soo bandhigi doonaa wixii cadaymo ah ee aanu hayno.” Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashiga mujaahid Xasan Guure oo u waramayey HCTV. Sidoo kale gudoomyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxa uu sheegay inaan golayaasha sharci dejinta ee dalka iyo shacabkuba aanay ka war hayn nooca heshiiska ay xukuumadu la gashay shirkada Genel Energy, waxaanu madaxweynaha u soo jeediyey in heshiiskaa la hor keeno golaha sharci dejinta Somaliland waxaanu yidhi “Shirkadii Genel Energy markii ay dalka timid heshiiska ay ku timid muxuu ahaa, heshiisyada qaranka lala galo inta aanu anaga noo jawaabin baarlamaanka ayaa u baahan inuu geeyo wixi heshiis ah ee uu galo ee ha geeyo anaga,shacabka Somaliland iyo xukuumadaba waxa noo dhaxeeya baarlamaanka, baarlamaankana ha geeyo wixii heshiisa ee uu dalku galo, waxaanay ahaayeen wixii aanu Rayaale ku caayi jirnay markii aanu xisbiga Kulmiye ahayn xagay maantana qabteen.” Gudoomiyaha madasha wada tashiga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan la garanayn heshiiska ay shirkada shiidaalku ku timid dalka waxaanu yidhi “shirkada Genel Energy markii ay dalka timid maanu ogoyn markii dalka ka baxdayna maanu ogayn laakiin imika ayaanu ogaanay wixii ay ku baxdaywaxaanay sheegtay inay nabad galyo daro la soo daristay taasna waxaan u malaynayaa inaanay been ka sheegayn oo waynu ognahay ilaa maalintii ay timid ilaa maanta waxa ka taagan,” Ugu danbayntiina gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxa uu si weyn u dhaliilay masuuliyiinta ugu sareeya qaranka oo dhamaantood ka wada maqan magaalo madaxda dalka Somaliland arintaas oo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn waxaanu yidhi “dalka yuu kaga tagay madaxweynuhu, waxaana lay sheegay in wasiirada oo dhami ay raaceen madaxweynaha, waxaana jirta in maalinta uu baxayo madaxweynuhu aanu agaasime ku hadhin xafiisyada dawlada, waxay ahayd inuu arimahan ka jawaabo, maalintii uu dalka yimid ee uu madaxweynaha ka noqday dalkana waxa jiray wadamo badan oo u soo hanqal taagayey inay ictiraafaan somaliland labada dal ee inoogu dhawaana waxay ahaayeen ingiriiska iyo Ethiopia labadii midna ma hayno.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure.

4

Malleeshiyo Uu Hor Kacayo Ina Cali Shire oo Kusoo Jeeda Xarunta Sool Iyo Madaxweyne Siilaanyo Kusii Jeedo Laascaanood

 

“Ciidammada Qaranka ee Jiidaha Gobolka Sool, Waxaan ugu Baaqaynaa inay Gurmad U Fidiyaan Shacbiga Deegaamada Ina Cali Shire soo Weerarayo, ee Ay Doonayaan inay af-duub ku qabsadaan”

 

Laascaanood (Hubaal/Gobanimonews)- Wararka ka Imanaya Deegaanka Caroolay ee Gobolka Sool, ayaa sheegaya in xiisad Dagaal oo lagaga soo horjeedo wefti ka socda Maamul Goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad oo ka faliidhmay Kooxda Khaatumo ay halkaasi ka aloosantahay, ka dib markii Bulshada deegaankaasi ka war heleen Imaanshiyaha labada dhinac oo isbahaysi wadaa.

Siday xalay daabacday mareegta Gobanimonews.com oo aanu warkan ka soo xiganay, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shirre oo wata Malleeshiyo hubaysan iyodabley kale oo iyana uu horkacayo Ninka lagu magacaabo Axmed Karaash oo kamid ahaan jiray nabad-diidkii Khaatumo-seeg, hadase la safan dhinaca Puntland, ayaa la sheegay inay ku soo jeedaan Deegaamada Caroole iyo Hol-hol oo dhinaca Bari 89 Km Laascaanood kaga began. waxaanay arrintaasi keentay in Bulshada rayidka ah ee halkaasi degeni abaabul ka dhan ah sameeyaan si ay uga hortagaan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa la sheegay inuu ka soo kicitimayo dhanka degmada Taleex oo uu beryahan dambe ku sugnaa, halka maleeshiyaadka Axmed Karaash la sheegay inay iyaguna ka imanayaan deegaamo u dhow Tuko-raq oo fadhiisin u ahayd. Odayaasha dhaqanka iyo Wax-garadka deegaamada ay ku soo wajahanyihiin, labadan kooxood ayaa la sheegay inuu wada hadal dhanka Telefoonka ah la soo sameeyay Cabdisamad Cali Shirre, ka dibna ay isku afgaran waayeen qaabka uu ku imanayo Laascaanood iyo ujeedada socdaalkiisa, taasoo sababtay inay odayaashu qayb ka noqdaan dhaqdhaqaaqa lagaga hortegayo.

Faysal Jaamac Xowte oo Xoghayaha Fulinta ee Degmada Taleex ee Somaliland, ayaa xaqiijiyay in xiisad colaadeed oo Puntland sabab u tahay deegaanka Caroole iyo Hol-hol ka soo fool-leeyihiin hadii aanu Cabdisamad Cali shirre ka laaban safarka uu halkaasi ku imanayo oo aanay dadka deegaanku ka raali ahayn.

Sarkaalkan ayaa dhinaca Somaliland ka dalbaday inay Gurmad Ciidan u fidiyaan Bulshad halkaasi ku dhaqan si ay uga garab siiyaan kooxahaa kusoo wajahan, ee uu ku tilmaamay fidmada Cabdisamad iyo Axmed Karaash halkaasi la imanayaan. “Waxaan jooga Deegaanka Caroole oo 89 Km dhinaca Bari ka xigta Degmada Laascaanood, waxa meeshan ka aloosan xiisad colaadeed oo ay hurinayaan ninka la yidhaahdo Cabdisamad Cali Shirre iyo Axmed Karaash oo isu bahaystay khal-khal gelinta Deegaamadan, meeshan iyadoo hore bulshada khaati uga taagnayd maleeshiyaad ka amar qaata Cabdisamad Cali shirre oo dadka dhibaato ku hayay, maanta Odayaasha iyo wax-garadka deegaamada Caroole iyo Hol-hol, waxa Telefoon kula soo xidhiidhay Cabdisamad Cali shirre , waxaanu ku yidhi waan imanayaa, dabadeed Odayaashuna waxay ku yidhaahdeen hadaad adiga oo shakhsi ah imanayso kaalay laakiinse hadaad Ciidan wadato oo arimo siyaasadeed u socoto ha noo iman”ayuu yidhi xog-hayaha fulinta ee degmadda Taleex. Waxaanu intaasi raaciyay “markaa way is-afgaran waayeen Odayaashii, markaa hada waxaa warka lagu helay inay isaga iyo Axmed Karaash oo Tuko-raq meel ku dhow Joogaa, doonayaan inay yimaadaan Deegaamadan, taana dadku way ka diyaar-garoobayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen, waxaana laysu diyaarinayaa sidii laysaga difaaci lahaa, hubkaana loo uruursanayaa caawa (xalay)”ayuu yidhi.

 

Sarkaalkan u hadlay Bulshada Deegaamada dirirta laga soo sheegayo, waxa uu dawladda Somaliland, gaar ahaan Ciidamada Qaranka ee Jiidaha Gobolka Sool ugu baaqay inay difaacaan shacbiga halkaasi ku dhaqan “dawlada Somaliland, gaar ahaan Ciidanka qaranka ee Jiidaha Gobolka Sool, waxaan ugu baaqaynaa inay gurmad deg-deg ah u fidiyaan shacbiga Deegaamada Hol-hol iyo Caroole ee ina Cali soo weerarayo, waayo dadkani waxay ka mid yihiin shacbiga Somaliland, waxaanay doonayaan inay af-duub ku qabsadaan, ragaasi”ayuu yidhi. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Weftigiisa ku sugan Taleex, dawlada Somaliland-na ilaa hada inta la ogyahay wax talaabo ah oo ay arintan isku hortaagayso may qaadin. hase ahaatee laba todobaad ka hor ayay labada dhinac hadalo taag-taagan oo la xidhiidha safarka Cabdisamad Cali shirre ee Degmada Taleex, warbaahinta isu mariyeen, iyadoo Somaliland uga digtay weftigaasi inay ku soo xad-gudbaan Dhulkeeda, qolada kalena sheegatay inay Taleex ka tirsantahay Dhulka Puntland.

 

 

5

Beelihii Shaqaaqadu Ku Dhexmartay Deegaanka Xariirad oo Gacmaha La Isu Saaray

 

Xariirad- (Hubaal)- Munaasabad lagu soo afmeerayay shaqaaqadii ka dhacay degaanka xariirad ee u dhaxaysay beelaha walaalaha ah ee wada degen halkaas ayaa la soo afjaray iyadoo madashaas uu ugu horeyn hadal ka soo Jeediyay wasiirka xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw-Daahir oo ka mid ahaa ergo wasiiro ah oo dhawaan halkaas gaadhay waxaana uu yidhi . “Caqli Midaysan Odayaal Midaysa Awal horeba waxaan ahayd reer Xariirad in ay noqono reer Xariiradkeenii hore ,intii degenaydna reer Xariirad intayadii inii nimidna aan noqono reer Xariirad,waayo magac iyo sharaf ayaa cid walab ugu jira Allena jasaa iyo abaal marin ayuu agtiisa ka helayaa hadii halkan nabad laga helo insha allaahu Tacaalaana waanan rajaynayaa in wacdi iyo waano faro badan idiin galno maahane waxa weeye maanta golahan aad timaadeen ayaa muujinaysa inaad doonaysaan in aan nabad meesha ka dhalino.bWasiir Cabdi Aw-Daahir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi”Waxaa kale oo la inagu yidhi Nabigeenii Suubanaa NNKH Dila wuu dhacaa Goormuuse wanaag dhacaa ,Marka muuse oo kale gacan fudud iyo tallo fudud iyo xabad baxsata iyo mindi dhacda iyo khalad yimaada waligii intuu caalamkku jiro shaydaanka ayaa gujinaya,se maxaa lagu badbaadaa Hadii cilmi iyo muuse la waayo oo la yidhaahdo wax walba inagaa ku saxsan waa markas marka ay dhibaatadu dhacayso ,Maanta marka aan cilmi iyo muuse leehay waa inteena uun,waanan kuwada jirnaa oo waan ku soo halqabsanayaa Uun.” Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Wasiir wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada. wasiir Garaad waxa uuna yidhi “Waxaan halkan u nimid in aan islaax iyo nbad ka dhalino dawladu sida loo sheegay ahmiyada koowaad waxa ay siisaa Nabadda ,miisaaniyadeeda 60% ama 80% waxa ay u qoondaysay Nabadd Nabad Nabadd,Dhaqdhaqaaqa kale ee bulshada waa la kala qixi lana kala guuri lana is aamini maayo hadii nabad La Waayo Wixii dhacay way dhaceen maxay u dhaceen lama odhanayo ee waxaa haboon uun in xalka iyo nabad ka wada shaqaynta uun laga wada shaqeeyo. Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka Cadaalada Somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” Sida Wasiir garaad sheegayba siyaasada Dawladeenu waa Nabad waxaa la inaga rabaa in wanaag adoo xumaano badan inaad dhaafto oo aad dusha ku qaadato ayaa la rabaa wanaagu xagaaga in uu ka yimaado ayaa la rabaa.” Waxaa ugu danbayn ka hadlay mid ka mid ah xildhibaanadii golaha guurtida Somaliand ee horey ugu sugnayd degaankaas waxaana hadaladiisiina waxa ka mid ahaa” Halkan Hadalka lagu hayaa waxa weeyaan oo ay wasiiradu u yimaadeen oo aan anagu bil dhawdhaw u fadhinay oo odayaasha isu yimid u yimaadeen waa xariirad oo nabadda illaahay sidaas ayaan ka baryaynaa in nabad waarta xariirad laga helo oo finkaa ku taagan Somaliland waanan idiin sheegayn 11 Xubnood ayaa horteena imanay oo labo labo u imanaya oo dhaaranaya oo waliba u dhaaranaya reerkii uu ka soo jeedo in Nabadd u hawlgalayo oo uu ugu shaqaynayo,wixii khalad iyo khalkhal ka wadana uu qabanayo.”Gabagabadii madashan ayaa waxaa halkaas lagu Dhaariyay min 11 Xubnood oo ka kala socday Labada Beelood ee Walaalaha ahaa halkaas oo ay ku dhaarteen In dhinac walba dhankiisa ka adkayn doono Nabadda kana wada qayb qaadan doonaan wax alla wixii Nabadda wax \yeelaya.”

6

Safarka Madaxweyne Siilaanyo oo Gunta Ka Rujiya Hab-maamuuska Dawladnimo

Kormeerrada iyo Booqashooyinka Madaxweynaha, Kadle-orodka Wasiirradiisa Iyo U Kala Dheeraynta Kamaradu Waxay Foolxumo Ku Yihiin Milgaha Dawladnimo

 

Qalinkii: Carraale M. Jaamac,

Mudadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka talinaysay dalka, wuxuu Madaxweynuhu isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo safaro ugu baxay dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo uu xiliyo kala duwanbooqashooyin ku tegey. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo mudadii sadexda sananood ahayd ee uu xilka hayay, wuxuu safaro kala duwan ugu baxay gobolada dalka, kuwaas oo inta badan la xidhiidha mashaariic xukuumddiisu fulisay oo xadhiga laga jarayo, amma kuwo cusub oo la doonayo in la fuliyo. Dhaqdhaqaaqa Madaxweynuhu kuma koobna ee keliya safarada dhinaca dalalka debeda iyo booqashooyinka gobolada dalka, ama deegaamo ka tirsan gobolada, balse waxa xusid mudan sida dhacda marar badan in Madaxweyne Siilaanyo kasoo baxo qasriga Madaxtooyadda si uu uga qaygalo munaasibado kala duwan, kuwaas oo intooda badani yihiin kuwo dhinaca Waxbarashadda ah iyo mashaariic uu dhagax-dhiggo , ama munaasibado kale oo heer qaran amma heer caalami ah, isla markaana aan inta badan ka baxsanayn caasimadda Hargeysa. Hase yeeshee waxa jira dhaliilo kasoo baxa dhaqdhaqaaqyada iyo socdaaladda Madaxweynaha ee safarda dalka gudihiisa iyo kuwa aan dhaafsiisnayn caasimadda Haregysa, kuwaas oo aan la xidhiidhin ujeedooyinka safaradiisa, amma booqashooyinkiisa, balse saamayn ku yeesha muuqaalka xukuumaddiisa oo si qaabdaran looga arko is-dhexyaac dhinaca Bratakoolka ah oo masuuliyiinta Madaxweynaha la socdaan sabab u yihiin, taas oo saamayn ku yeelan karta ammaanka Madaxweynaha iyo wefdigiisa marka ay jiraan booqashooyinka dalka gudihiisa iyo dabcan ka qaybgalka munaasibadaha kale. Muuqaalada is-dhexyaaca ah iyo foolxumooyinka is bar-bar yaaca masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee safaradda iyo booqashooyinka, amma ka qaybgalka munaasibaddaha ee Madaxweynaha, waxa tusaale loo soo qaadan karaa safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo kaga baxay caasimadda Hargeysa, kaas oo uu kasii bilaabay furitaanka Kuliyadda Tababarka Saraakiisha ee Dararweyne oo Madaxweyne Siilaanyo xadhiga ka jaray 14 Sep, 2013. Madaxweyne Siilaanyo waxa ka qaygalka munaasibadaa ku weheliyay inta badan xubnaha golihiisa wasiiradda, Madaxda Ciidamadda , qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ha’addaha madaxa-banaan, xubno ka mid ah mudanayaasha labada gole Baarlamaan, Madaxdhaqameed iyo shaqsiyaad aan xilallka ay qaranka u hayaan la ogayn, balse sida inta badan dhacda lagu arko munaasibadaha iyo safaradda Madaxweynaha. Sida dhacda xiliyadda Madaxweynuhu hawlihiisa shaqo ee ka baxsan xayndaabka qasriga Madaxtooyadda, waxa gunta ka ruqa masuuliyiinta hawlaha qaran loo igmaday oo cidleeya xafiisyadooda, iyagoo doonaya in ay ka qaybgalaan munaasibadaha Madaxweynuhu ka qaybgelayo, amma inay qayb ka noqdaan booqashooyinka safaradda Madaxweynaha ee deegaamadda dalka, waxayna dayacaan hawlaha xafiisyadooda u yaal iyo shaqooyinkii ay Madaxweynaha masuulka uga ahaayeen ee ay qaranka u hayeen.Masuuliyiintaa hawlohooda dayaca ee ka qaybgala munaasibadaha iyo safarada Madaxweynaha, ayaa si qaabdaran u dhinac yaaca Madaxweynaha, kuwaas oo lumiya Baratakoolka iyo nidaamka, iyadoo mid walba doonayo inuu Madaxweynaha ku dhowaado, waxayna taasi madasha iyo munaasibadaha Madaxweynuhu ka qaybgalo u muujisaa madal fowdo ah oo aanu jrin nidaam iyo kala danbayn, taas oo khatar gelinkarta ammaanka Madaxweynaha, isla markaana cadawgu ka faa’idaysan karo is dhexyaaca masuuliyiinta xukuumadda ee xafiisyada iyo shaqooyinkooda u cidleeya inay ka qaybgalaan munaasibad Madaxweynuhu ka qaybgalay. Sidoo kale muuqaalada noocan ah, waxay muujiyaan in aanu jirin qorshedhinaca Madaxtooyadda oo marka hore ka qaybgalka munaasibadaha noocaa ah iyo safarada Madaxweynaha ee gobolada dalka oo lagu jaangooyo cidda safarka madaxweynaha ka mid noqonaysa, iyadoo loo eego ujeedada safarka iyo munaasibadda la doonayo in Madaxweynuhu ka qaybgalo. Munaasibada u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo ka furay xarunta tababarka saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dararweyne oo qiyaastii 25 km dhinaca Woqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa. Ka hor intii aanu Madaxweynuhu usii dhaafin dhinaca Magaalada Berebra iyo gobolada bariga, waxa la arkayay wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda oo gaadhayay tiro ahaan ku dhowaad konteneeyo, isla markaana dayacay shaqooyinkii ay qaranka u hayeen midba midka kale ka garbinayo dhinaca Madaxweynaha, iyadoo muuqaaladaa laga arkayay in kooxda awooda badan ee ay hormoodka u yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale ku jireen iska caabin ay doonayaan in wasiiradda kale iyo masuuliyiinta kale aanay usoo dhowaan Madaxweynaha, taas oo keentay in Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo ka mid ahaa wefdiga, isla markaana wasiirka keliya ee shaqadiisa ay la xidhiidhay munaasibada Madaxweynuhu ka qaybgalay oo ay ahayd baratakool ahaan inuu Madaxweynaha garabkisa istaago uu dib isaga gurtay oo safka danbe isa soo taagay markii uu arkay in aanay jirin nidaam iyo kala danbayn, balse waxa keliya ee loo tartamayaa tahay in Madaxweynaha lagu dhowaado oo masuul walba doonayo inuu garabkiisa istaago si uu safka hore iyo muuqaalada sawirada uga muuqdo. Si kastaba ha ahaatee dhaqanka masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee kala danbayn la’aanta iyo baratakoolka ka dhasha safarada iyo booqashooyinka Madaxweynaha iyo dhaqdhaqaaqyadiisa hawlaha ka baxsan qasriga Madaxtooyadda ayaa u baahan in dib loo eego, kuwaas oo ka sokow luminta haybadda iyo kala danbaynta nidaamka dawladnimo iyo dayaca shaqooyinka qaranka saamayn ku yeelan kara ammaanka Madaxweynaha.

7

Madaxweynaha Somaliland oo Shalay KuWaaberiistay Berbera, Kuna Gabal-dhacsaday Burco

Madaxweynaha oo intii aanu Berbera Ka Ambo-bixin dhagax dhigay Mashaariic kala duwan

 

 

BURCO (Hubaal)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Shalay si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer ka dib markii uu Galinkii hore ee Shalay ka Ambabaxay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera oo uu Mashaariic horumarineed Xadhiga kaga Jaray.

Weftiga madaxweynaha waxa si diiran duleedka Magaaladda ugu soo dhaweeyay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda, madaxda laamaha dawladda iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Burco, kuwaasi oo ruxayay caleemo qoyan isla markaana ku dhawaaqayay hal-ku dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynahooda.

Madaxweynuhu waxa uu cutub ka tirsan ciidammadda qaranka salaan sharaf kaga qaatay guriga martida ee Burco oo uu dadweynihii soo dhaweeyay uga mahad celiyay dareenka ay u muujiyeen. Madaxwayne Siilaanyo oo hadal kooban u jeediyay dadwaynihii kala duwanaa ee Soo dhaweeyay ayaa uga mahad naqay guud ahaanba bulsho waynta ku dhaqan magaalada Burco sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftiga uu hogaaminayo. Waxaanu yidhi “Anniga iyo weftiga ila socdaba waxaa noo farxad ah sida qiimaha iyo sharafta leh ee la noogu soo dhaweeyay gobolka Togdheer, ilaa saaka markii aanu soo galnay gobolka ilaa imika sida la yaabka leh, ee wadaniyadu ka muuqato, oo kalcagal badani ka muuqdo ayaad nagu soo dhawayseen, aad iyo aad ayaanu idiinka mahad naqaynaa guud ahaanba shacabka reer Burco, ciidamada qalabka sida, ardayda dugsiyadda, macalimiinta iyo dadwayanha kaleba waad ku mahad santihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen”.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa Shalay u hoyday Magaalada Berbera isagoo shalayna Xadhiga ka jaray Kuliyadda Ciidamada Qaranka ee Awbarkhadle. Madaxwaynaha ayaa la filayaa inuu Gobolada Barri u sii dhaafo Burco iyadoo la filayo inuu Gaadho Gobolka Daad madheedh. Hawlaha la filayo in Madaxwayne Silaanyo wax ka qabta waxaa ka mida khilaafka dhinaca Shiidaalka ee k a dhexeeya Dadka degaanka iyo Shirkaddaha Baadhaya Shiidaalka. Gobolka ayaa dhawaan waxaa ka baxday Shirkadda Shidaal qodista ee Genel Energy iyadoo horena MSF uga Baxday.

Weftiga madaxwaynaha ayaa waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada Madaxtooyadda, Warfaafinta, Waxbarashadda,Beeraha, Gaashaan-dhiga, Horumarinta Reer Miyiga, Ciyaaraha Wasiirul dawlaha Maaliyadda, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa lagu wadaa inay muddo laba maalmood ah joogi doonaan magaaladda Burco, ka dibna u kicitimi doonaan magaaladda OOdweyne ee xarunta Gobolka Daad-madheedh. Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland ayaa mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay guud ahaan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Shalay xadhiga ka jaray.

Mashaariicdan oo ay hirgeliyeen maamulka dekeda iyo maamulka degamada Berbera, kuwaasoo isugu jiray dhismeyaal lagu kordhiyay dekeda, qalab casri ah oo dekeda loo keenay iyo waddooyin ay tiro badan oo ay hirgelisay dawladda hoose ee magaaladda Berbera.

 

Ugu horeyn Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray mashaariicda kala duwan ee laga hirgeliyay dekeda Berbera, iyadoo halkaas uu warbixin ku siiyay Maareeyaha dekeda Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor). “Qaybtani waa mid ka mid ah horumarka dekeda oo la qabtay sannadkan gudihiisa, qaybtaasi waxa weeye toban kun oo mitir oo isku wareeg ah, waxa galay laba kun iyo shan boqol oo agab ah ayaa galay.” ayuu yidhi Maareeyuhu. Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray wadooyin tiro badan oo ay hirgelisay dawladda hoose ee magaalada Berbera, iyadoo wadooyinkaasi ay ka mid tahay wadada isku-xidha xeebta Batalaale iyo magaalada Berbera oo ah wadada ugu dheer ay hirgeliyeen maamulka Berbera, waxaana Madaxweynaha mashaariicdaas iyo wadooyinkaas warbixin ka siiyay maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin oo sheegay in farxad wayn u tahay dawlad hoose ahaan inuu Madaxweynuhu xadhiga ka jaro mashaariicda ay hirgeliyee, waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Cali oo sheegay inay sii wadayaan horumarka ay ka wadaan guud ahaan gobolka Saaxil.  Madaxweynaha Somaliland xubnaha weftigiisa ee la socday ayaa booqasho ku tagey xeebta Batalaale halkaasoo lagu soo bandhigay gaadiid tiro badan oo ay soo iibsatay dawladda hoose ee magaalada Berbera. “Farxad wayn ayay ii tahay inaan Shalay (shalay) Berbera joogo oo aad lanoogu soo dhaweeyay. Waxa kale oo aan aad ugu faanaynaa oo aan u mahad-celinayaa masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo degmada Berbera waxyaabaha waawayn ee aynu arkaynay, hawlahaasi wax qaranku ku faano weeye, wax gobolku ku faano weeye, wax aan anigu ku faanayo weeye, waa wax ay ummaddu ku faanayso, Illaahay waxaan ka barayayaa inaanu hawshaas halkaas kasii kordhino oo aanu kasii wadno.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Wax kale oo halkaas ka hadlay Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Wasiiru-dawlaha Maaliyada oo ku dheeraaday waxqabadka iyo mashaariicda laga hirgeliyay magaalada Berbera. Maamulka gobolka Saaxil, maamulka Degmada iyo odayaasha gobolkaas ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyay shahaado sharaf ay ku maamuusayaan. Ugu dambayntii waxa uu Madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigay xarun wax-akhris oo laga hirgelin doono magaalada Berbera, isaga iyo weftigiisuna waxay u sii dhaafeen dhinaca gobolka Togdheer.

8

Golaha Wakiiladda Oo Soo Af-Jaray Doodda Xeerka Booliska

Hargeysa (Hubaal) – Mudaneyaasha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii shalay soo af-jaray doodda xeerka booliska, kaasi oo ay mudo ku guddo jireen doodiisa.

Fadhigan oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirio). ayaa mudaneyaashii fadhigaa ku sugnaa ku wargaliyay in doodda iyo talooyinkii ay mudneyaashu ka dhiibteen lagu soo daridoono xeerkan.

Shirgudoonka golaha wakiilada ayaa waxa uu sheegay in golaha la horkeeni doono xeerar aad u muhiim ah oo kala ah xeerka baananka ganacsiga Somaliland oo ay gacanta ku hayaan guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiiladu, xeerka shidaalkaoo oo ay isna gacanta ku hayaan guddi hoosaadka deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ee golahaas.

Shirgudoonka wakiiladu waxa uu guddiyada xeerarkaas gacanta ku haya ka codsaday in ay si dhaqso ah u soo gudbiyaan si loogu qaybiyo mudaneyaasha.Doodda xeerkan ayaa waxa ka qayb qaatay mudaneyaashii isku qoray ka qayb qaadashada doodda xeerka booliska Somaliland oo ka mid ahaa qodobada ku jiray ajandaha kal-fadhigan 21-aad ay mudaneyaashu ku gudo jiraan.

 

Mudaneyaashii ka qayb qaatay dooda xeerkan ayaa waxa ka mid ahaa xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, mudane Siciid Cilmi Rooble, mudane C/qaadir Jaamac Xaamud, mudane Cali X.Maxamed Muuse iyo mudane Aadan X.Diiriye Dirir.

Qodobada 16-aad 24-aad ayaa ka mid ahaa qodoada ay mudaneyaasha qaarkood ku kala aragti duwanaayeen, kuwaas oo xeerkan dooddiisu dhamaatay ugu qoran sidan:-

 

 

Qod: 16 aad. Waajibaadka gaarka ah ee xubnaha Ciidanka Booliiska

1. Xubnaha Ciidanka Booliiska ka tirsan waxaa waajib ku ah:-

a) In ay u hogaansanaadaan xeerkan, Xeer-nidaamiyaha xeerkan hoos yimaada, wareegtooyinka, hab-raacyada, hagayaasha iyo amarada saraakiisha ka saraysa.

 

b) In ay u gutaan si daacadnimo, xilkasnimo iyo masuuliyad leh waajibaadka ciidan ee sharcigu farayo ama masuuliyiinta awooda u leh u xilsaaraan.

 

c) In ay ixtiraamaan xuquuqda Aasaasiga ah ee Aadamaha, ee sharciga iyo Dastuurku dammaanad qaadeen.

d) In ay daryeelaan, ilaaliyaan qalabka, hantida iyo hubka ciidanka Booliiska ee ay gacanta ku hayaan ama masuulka ka yihiin.

e) In ay ku dhaqmaan asluub dhaqameedka diinta iyo dhaqanka wanaagsani farayaan.

f) In ay si naxariisle u gacan qabtaan qof kasta oo jilicsan.

 

 

g) In ay gurmad u fidiyaan ama gurmad u doonaan qof kasta oo khatari soo food saarto.

h) In ay dhawraan magaca sumcada iyo haybadda Ciidanka Booliiska Somaliland.

Xeerka Ciidanka Booliiska Somaliland.

 

 

i) In aanay hubka ciidanka u bandhigin dayacaad una suuragelin in ay isticmaalaan dad rayid ah, caruur, dad xiskoodu dhiman yahay ama aan masuul ahayn.

j) In ay Niyad sami u muujiyo dalkiisa

k) In ay ilaaliyaan danta dalka iyo in ay u gutaan waajibaadkooda si karti iyo amaano ku jirto.

l) In ay fuliyaan dhamaan awaamirta iyo go’aamada madaxda.

 

 

m) In ay ka soo baxaan dhamaan hawlaha shaqo una sameeyo wakhtiyo gaar ah oo u gudanyo waajibaadkiisa shaqo

Qod: 24 aad

Mushaharada & Gunooyinka

Xubin kasta oo Ciidanka Booliiska ahi:

1. waxay yeelanaysaa Mushahar go’an.

2. Waxay yeelan kartaa gunno.

3. Heerarka Mushaharka iyo gunnooyinka waxa lagu soo saarayaa xeer Madaxweyne.

4. in la siiyo mushahar u dhigma shaqada uu hayo.

5. Madaxweynaha ayaana ku soo saaraya xeer Madaxweyne markuu la tashado cida ay khusayso.

6. waxa kale oo uu mutaysan karaa gunno waxaana lagu faah-faahinayaa xeernidaamiyaha ciidanka Booliiska Somaliland.)

 

Xeerakan booliska oo ah mid ahmiyad balaadhan u leh ciidanka booliska iyo shacabkaba ayaa ay mudaneyaashu cod ku qaadidoonaan ansixintiisa iyadoo lagu soo daridoono soo jeedimihii mudaneyaashii ka qayb qaatay dooda xeerkan.

 

9

Xisbiga KULMIYE Oo Xaflad Kusoo Dhaweeyey Xubno reer XAQSOOR Ah

 

Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiin, Xubno ka mid ah murrashaxiintii iyo taageerayaal ka tirsanaa taageerayaasha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR, ayaa shalay xisbiga KULMIYE soo dhawayn ugu sameeyey hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa. Xafladan siyaasiyiinta, dhallinyarada, haweenka iyo cuqaasha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR taageeradooda ku biiriyeen xisbiga KULMIYE waxa ka soo qaybgalay Wasiirrada Caddaaladda, Diinta Aw Qaafta, Wasiir-ku-xiggeenada, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada, Gashaandhiga, Xogyaha Guud ee KULMIYE, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dadweyne aad u tiro badan.Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf ayaa soo dhaweeyey xubnahan siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka isugu jira ee taageeradooda ku soo biiriyey xisbul-xaakimka, isagoo xusay in taageerayaasha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR qaranka, xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE u baahan yihiin, waxaannu yidhi;“Dadka reer XAQSOOR waxay ahaayeen dadkii bud-dhiga u ahaa xisbiga KULMIYE ee aasaasayaasha ahaa, waxaanay ahaayeen dadkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xukunka saaray. KULMIYE wuxuu og yahay in bulshada reer XAQSOOR yihiin cudud laxaad leh oo aan qaranku ka maarmi karin, xisbiga iyo xukuumaddu ka maarmi karin, waana hubaal in cida reer XAQSOOR la socdaan doorashada ku guulaysan doonaan, laga bilaabo Shalay na xisbul-xaakimka KULMIYE ayaad tihiin.” Marwo Farxiya Muuse Ibraahim oo ahayd Guddoomiyaha garabka haweenka ee urur-siyaasadeedkii XAQSOOR, kana mid ahayd xubnaha ku biiray xisbiga KULMIYE, ayaa ugu baaqday xubnaha kale ee ka hadhay inay taageeradooda ku soo biiriyaan xisbiga KULMIYE, waxaanay xustay inay aad ugu faraxsan tahay inay cududeeda taageero ku soo biiriso xisbiga talada haya. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa sheegay in xubnaha ku soo biiray aanay ku cusbayn xisbiga KULMIYE, balse dib ugu soo biiriyeen taageeradoodii,

waxaannu yidhi; “Markii hore KULMIYE ayaan ahaa, laakiin iminka habeen iyo maalinba XAQSOOR baan ahay ee sidaa u ogaada, waxaanad ku soo noqoteen xisbigii hooyada ahaa, soona dhawaada oo halkiinii baynu ka sii wadayna awalna KULMIYE ayeynu nahay oo aynu magac iyo muqaalba ku lahayn.” Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in muddo laga shaqaynaayey sidii taageerayaasha XAQSOOR ugu soo biiri lahaayeen xisbiga KULMIYE, waxaannu soo dhaweeyey xubnahan ku soo biiriyey taageeradooda. “Sharaf bay ii tahay inaan munaasibadan idinkala soo qaybgalo, waxaanay ahayd arrin in badan laga shaqaynaayey oo la sugaayey Ilaaha Shalay isu keen kaanaybaana mahad leh waanannu idinku soo dhawaynaynaa ku soo biiritaanka xisbiga KULMIYE aad ku soo biirteen, laga bilaabanaShalay cidi idinkama laha oo rag iyo dumar KULMIYE ah baad tihiin oo nafta iyo qalbigaba u sheega,” ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.Wasiirka Caddaladu waxa uu baaq u diray masuuliyiinta urur-siyaasadeedkii hadhay ee XAQSOOR oo uu ugu baaqay in ku soo biiristooda iyo taageeradooda loo baahan yahay, waxaannu yidhi; “Urur-siyaasadeedkii XAQSOOR haddii wali cidi dambayso masuuliyiintii waxaannu leenahay walaal gacmo furan baa la idiin sii fidinaya, la idinkama maarmo, dalkuna cidna kama maarmo, KULMIYE wuxu ururinaya oo u taagan yahay midnimada dalka, waxaanan leeyahay qolada wali dambaysa isu keen keena, aan wada hadalno oo waxaad tabanaysaanba aynu ka wadahadalno. Wasiir Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdi Axmed oo isna halkaas ka hadlay sheegay in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyey taageerayaasha XAQSOOR iyo xukuumadda, tana ay mid tahay guulaha laga gaadhay daminta khilaafkaas, waxaannu yidhi; “Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waa dawladiinii, wax kasta oo kala gaadhay amma hore u dhacayna waxa Shalay loo jooga in la dhammaystiro, dadkii ku dhaawacmay, ku dhintay amma wax ku noqday shaqaaqadii bari dhawayd dhacday waad og tihiin in dhammaanteedba gacanta lagu hayo, qaarna xuquuqdoodii baa la siiyey, qaarna gacanta lagu haya.” Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shukri Xariir, ayaa tilShalay y in taageerayaasha urur-siyaasadeedkii XAQSOOR ay qayb libaax leh ka qaateen doorashadii xisbiga KULMIYE talada dalka ku qabsaday, iyadoo soo dhawaysay xubnaha siyaasiyiinta, dhallinyarada iyo haweenka isugu jira ee quwadood taageero ku soo biiriyey. Ugu dambayntii waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan taageerayaashii XAQSOOR ee taageeradooda ku biiriyey xisbiga talada dalka haya, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin ku biiristooda, isla markaana xisbiga ka rajaynayaan inuu si fiican u soo dhaweeyo.