Hambalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Ardaydii Ka Qalinjabisay Jaamacada Camuud

Hambalyo Iyo Bogaadin Ku Socota Ardaydii Ka Qalinjabisay Jaamacada Camuud

Waxaan idinku salaamaya salaanta islamka Aslama calaykum. Bacada salaan waxan hablayo iyo bogaadin iyo farxda aan la qaybsanayayaa walaalahayga ka qalin jabiyey jaamacada camuud kuwaas oo noqonaya dufcadii 12 aad ee sanadkan maalintii 28/08/2013 . Waxan ilahayuga bayeyaay in ay noqdaan kuwii Dalkooda Dadkooda iyo Diintooda anfaca binu aadmiga kalena aqoontooda waxii ay qaban karaan gaadhsiiya ,maxaa yeelay ibnu aadamku ma kala maarmo.

Waxan habmalyo iyo salaan iyo duco ka timid farxada qalbigayga ku jirta halkan ugu gudbinayaa dhamaan macalimiinta shaqaalaha iyo qofkasta oo waxkasoo qabtey hirgalinta jaamacada camuud oo ugu horeeyo professor Saleban Axmed Guled midhahaa uu soo saarey waxan leeyahay ilahay khayr iyo xasanad ha idinka siiyo, waalidiinta iyo wehelka ku garabtaagnaa waxan leeyey tacabka aad galiseen waa tacab aduunka oo dhan wax taraya maaha mid qoys iyo qof Ku kooban ilahay
Khaykooda ha idin siiyo.

Gunaanadka waxan uga socdaa waa Ardeyda qalin jabisey.
Walaalayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa waxbarasho sare oo bilaasha oo aad ka qaadanaysaan jaamacadaha aduunka ugu sareeya oo online ah.

Markaa walaalayaal farxadaa aan idinku faraxney hanoogu bedelina naxdin oo yaan la way tahriibeen.
Halkan hoose guji si aad u gasho webka dooro aqoonta aad rabto iyo jaamacada aadka rabto wax lacaga ha bixin kaliya isticmaal internet hadii aad awoodaan waxad helaysaa aqoonta aad rabto iyo shahaado aduunka laga aqoonsanyahay.
Wabilahi tawfiiq khayr ayaan idiin rajayneyaa.

https://www.edx.org/

Geeljire Geeleh
ngele32@googlemail.com

https://www.edx.org/