Hogaamiyeyaal Oo Ka Tirsan Al.Shabaab Oo Lagu Daray Liiska Dadka Ugu khatarta Badan Al.Qaacida.

wargayska Washington Times oo Maraykanka kasoo baxa waxaa lagu sheegay in xubnahaan oo dhamaantood xubno fir fircoon ka ah Xarakadda Al-Shabab.


Hargaysa (SM)- Warbixintaan oo lagu qoray wargeys la yiraahdo The Washington Times oo Maraykanka kasoo baxa waxaa lagu sheegay in xubnahaan oo dhamaantood xubno fir fircoon ka ah Xarakadda Al-Shabab ay haddana dhanka kale sabab u yihiin aas aasida Al-Shabab iyo abaabulida dagaalada Soomaaliya ka socda. 

Warbixintu waxay leedahay hogaamiyaashaan ayaa ah xubno aad xag jiriin u ah oo aaminsan in dunida uu hadda ka socdo dagaal Jihaad ah. 

Hogaamiyaha Al-Shabab Axmed Godane ayay warbixintu xustay inay si gaar ah u hoos tagaan dagaalamayaal tiradoodu gaadhayso 4 illaa 6 kun kuwaasoo aad ugu xoogan gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. 
Hogaamiyahaan muuqaal ahaan inta badan xubnaha Shabaab uma yaqaanaan aad buuna ula dhacsanyahay siyaasadda uururka Al-Qacida. 

Ruuxa labaad ee warbixintaan ay xustay waa Mukhtaar Roobow Cali oo Abuu Mansuur loo yaqaan waxaana ay warbixintaan ku tilmaantay nin si weyn miisaan ugu leh Xarakadda Al-Shabab oo uu aas aaskeeda qeyb weyn ka qaatay waxaana la aaminsan yahay inuu tababar ku qaatay dalka Afghanistan sanadkii 2000. 

Roobow waxaa uu sidoo kale ka mid yahahay dadka sida weyn u aaminsan dhaq dhaqayada Jihaadiga ah waxaa uu horey ugu dhawaaqay dagaal ka dhan dawlada Soomaaliya iyo howlgalka midawga Africa Soomaaliya ka socda ee AMISOM. 

Labadaan hogaamiye ee Shabab ka tirsan dawlada Maraykanku waxay ku doonaysaa kiiba 5 million oo Dollar oo la siinayo cidii warbixino keenta. 

Sidoo kale warbixintaan cusub ee Maraykanka kasoo baxday waxaa lagu xusay in hogaamiyaashaaysan halistooda yareyn ay ka mid yihiin Fu’aad Max’ed Khalaf oo Shabab dhanka wacyi galinta u qaabilsan waxaana la sheegaa inuu Soomaaliya kusoo laabtay sanadkii 2004,tii asagoo kasoo tagay dalka Sweden oo uu muddo 12 sano ah uu Imaam Masjid ka ahaa. 

Fu’aad Shongole waxaa uu sidoo kale ka mid yahay dadka Maraykanku lacagaha ku doon doonayo. 
Sh, Xuseen Cali Fiidow oo ay warbixintaan xustay Al-Shabab waxaa uu u qaabilsanyahay dhanka siyaasadda waxaana uu warbixintaan kaga jiraa booska 10,aad. 

Hogaamiyaal kale ayaa warbixintaan ka mid ah waxaana ka mid ah hogaamiyaha ururka Taliban Mullah Cumar oo qofka 1,aad warbixintaan ka ah , hogaamiyaha jabhadda Boka Xaraam oo Nigeria ka dagaalanta, kan Jaamacal Islamiya oo dalka Masar ka dhisan, madaxa jabhada ka dagaalanta gobolka Jejnia ee dalka Rush,ka Hogaamiyaha Al-Qacidada galbeedka Africa ee AQIM iyo xubno kale. 

 

Salaanmedia/Hargaysa