Holland: Siyaasi Caan ah oo ku dhawaaqay in u asaasi doono Xisbi Islaami ah

Holland: Siyaasi Caan ah oo ku dhawaaqay in u asaasi doono Xisbi Islaami ah

1 

Siyaasiga dhowaan soo muslimay ee lagu magcaabo Around Vaan Doorn ayaa shaaca ka qaaday in uu dalka Holland kaga dhawaaqi doono Xisbi cusub oo Islaami ah kaas oo u tartami doona doorashooyinka dalkaasi ka dhici doona.  Mr Van Doorn oo hore uga tirsanaa Xisbiga midigta fog ee Xagjirka ah (Party For Freedom) ee uu hoggamiyaha  Geert Wilders oo ku caan baxay nacybka  iyo takoorida muslimiinta ku dhaqan dalka Holland, horena u alifay filmkii (Fitna) ee aha  meel kadhaca lagu aflagaadeynayey Diinta Islaamka.

Mr Vaan Doorn waxa uu tilmaamay in fikradda xisbigan ay ka dhalatay baahida loo qabo cid matasha muslimka dalka Holland, kana jawaabta baahiyaha iyo siday u soo dhacsan lahaayeen xuquuqdooda, xaga waxbarashada, caafimaadka iyo fursadaha shaqada,  Isla markaana ay isaga caabiyaan ugana hortagaan dacaayadaha isa soo taraya ee lagaga soo horjeedu muslimiinta wadanka Holland, iyo cunsuriyadaha ka dhasha nacaybka xoogaga xag jirka ah.  Ama sawirka baqdinta leh ee ay abuuraan iyo waxa loo yaqaan –Islamophobia. Waxa kale oo uu sheegay in ay fikradan igu sii dhiiri gelisay ka dib codsi aan ka helay in badan muslimiinta dalka degan.

Mr. Vaan Doorn oo bishii February sanadkan 2013  aad uga yaabsaday dad fara badan markii uu ku dhawaaqay in  uu qaatay Diinta Islaamka,  isla markaana dood ka dhex abuuray dalka Holland isaga oo hore ugu caan baxay cadaawada iyo nacaybka Islaamka iyo Muslimiinta. 

Mr.  Vaan Doorn waxa uu tilmaamay in xisbigiisu wax ka tari doono korna u qaadi doono heerka iyo mustawo u qalma tirada muslimiinta wadanka Holland. Islamarkaana uu ka shaqayn doono sidii uu u midayn lahaa dadka reer Netherland oo dhan,  iyadoo cid walba la tixgelinayo, jinsiyadooda iyo diintooda.  Waxa kale oo uu raaciyey in uu wax ka tari doono sumcada iyo suurada wanaagsan ee Musliminta, taasoo inta badan laga bixiyo sawir khaldan ayuu yidhi, wuxuuna ka difaaci doonaa, kana hortagi doona weerarada kooxaha garabka midig ee xag jirka ah.  Waxa kale oo uu tibaaxay in xisbigiisu dawr wax ku ool ah ka qaadan doono faafinta iyo wacyi gelinta diinta Islaamka.

Mr.  Vaan Doorn waxa uu ku celceliyey in xisbigiisu aanu noqonayn ‘Xisbi Diini’ ah sida laga fahmi karo uuse uu noqon doono mid metela muslimiinta iyo dadka kaleba, laakiin uu ka duuli doono mabaadii’da iyo qiyamka Islaamka.

2

Waxa jira muslimiin siyaasiyiin ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa toban, kuwaas oo u qaybsan xisbiyada waaweyn ee dalka Holland, kuwaasoo u hogaasan mabaadi’da iyo aydiloojiyada xisbiyada ay ka tirsanyihiin. Kuwaasoo laga yaabo in ay mararka qaarkood ka horyimaadaan maslaxada muslimiinta ku dhaqan dalkaas.

Source: Aljazeera.net

                                                                                                         Â