Jaamal Cali Xuseen : Ku Biirida Kulmiye ee Maayir Ciddin Waxaanu u Aragna Nin Baqay oo is yidhi Yaan laga Tuurin Kursiga

Sweden-(SM)- Musharaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka UCID Jamaal Cali Xuseen oo ku sugan dalka Sweden ayaa markii u horeysay ka hadlay laba xildhibaan ee ka soo baxay xisbiga UCID ee shalay ku biiray Xisbiga Kulmiye.

“Xukuumadda Soomaaliland ee taladda haysa muddoyinkii u danbeeyey waxay lacago ku bixinaysay, sida Xisbiga Kulmiye ugu soo biiri lahaayeen Musharixiitna Xisbiyada Mucaaridka ah ka soo baxay , shalay Waxa la sheegay in Maayir Cabdi Shakuur Ciddin oo ah Maayirka Berbera iyo Xildhibaan Cabdi Rashid Maxamed, ay ku biireen Xisbiga Kulmiye

Waxaanu u aragna Maayir Cabdi Shakuur nin ilaashanaaya kursigiisa, sidaasna ugu biiray Xisbiga kulmiye si aanay uga ridin Xilka Maayirnimo ee magaaladda Berbera Xukuumadu.Xisbiga UCID uu soo bedelayaa labada Xildhibaan ee ku biiray Xisbiga Kulmiye , Taasna sharciga ayaa Sheegay.”sidaas waxa yidhi Jaamal Cali Xuseen.

Salaanmedia/Hargaysa