Jamaal Cali Xuseen Oo Soo Bandhigay Shuruudo Adag Oo Xukuumadda Ka Xarimaya Inay Cashuuraha Dalka Kordhiso Wakhtigan

 UCID

Sep 20,2013 Hargaysa(SM) Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa soo bandhigay Shuruudo adag oo uu sheegay in Distuurka dalku ku xidhay Cashuur kordhinta, kaas oo tilmaamay in qodobka 14-aad ee Distuurka Dalku inuu dhigayo in mar kasta oo cashuur la kordhinayo la eego Maslaxada iyo danta ummada waxa ay ku jirto, isla markaana tibaaxay in xaaladda dhaqaale ee Waddanku ay meel xun marayso.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen sheegay in Xeerka Horumarinta Waddooyinka ee xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka ee Cashuurta dheeraadka ah ku Waajibinaya in laga qaado Xoolaha laga dhoofiyo Dekaddaha dalka iyo gaadiidka kala duwan inuu Caqab wayn ku yahay nolasha bulshada Somaliland. Sidoo kale Musharaxa Doorashadda Madaxtooyadda ee Xisbiga UCID Mr Jamaal waxa Xukuumadda uga digay inay Xidh-xidho Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu xusay inaanay istaahilin in lagu xabiso dalkay u soo halgamayeen Xornimadiisa.

Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu shalay Magaalada Hargeysa ugu waramayey Telefishanka Hctv, ugu horayna isaga oo ka hadlaya caqabada ka dhalan karta hadii ay xukuumadu isku daydo inay xidho xubnaha Madasha wada tashiga, waxa uu yidhi “Waxa jira inay xukuumadu doonayso inay xidho odoyaasha Madasha Wada-tashiga iyo toosinta oo ah xubno karaamo iyo sharaf ku leh dalkan una soo halgamay mudo badan, wax badan ka soo qabtay dib u dhiskii Wadankan”. Musharaxa madaxweynahah ee xisbiga Ucid oo ka hadlaya qodobada dastuurka ee ka hadlaya inaan muwaadinka la xidhi karin sifo siyaasadeed ayaa waxa uu yidhi “Dastuurka Somaliland waxa uu sheegayaa inaan qofna loo xidhi karin sifo siyaasadeed balse loo marayo shuruucda dalka, anigana waxay ila tahay inaanay xukuumadu ku talaabsan arinka noocaas ah, waxaanan xukuumada u soo jeedinayaa inay ka digtoonaato xadhig ay kula kacdo xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta”.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Musharaxa Madaxweynaha UCID mar uu ka hadlayey xeerka cashuuraha ku kordhinaya xoolaha nool iyo gaadiidka ee Wasiirka Madaxtooyadu hor keenay Golaha Wakiilada waxa uu yidhi “Qodobka cashuuraha ee la doonayo in loo saaro Wadooyinka waliba xoolaha nool, qodobka 14-aad ee Distuurka Somaliland waxa uu dhigayaa in mar kasta oo cashuur la kordhinayo la eegayo maslaxada iyo danta umada waxa ay ku jirto, waxa aynu ognahay inay dadka Somaliland haysato dhibaato badani iyada oo ay dalka ka jirto dhaqaale darro, xukuumaduna intii ay talada haysay dhawr jeer ayey cashuuraha kordhisay, wadooyinka magaalada Hargeysa dhex maraana marka aan meel kalaba laga dayin waa kuwo aad u liita”.

Cadceednews Hargaysa Office

Haatuf