Jimciyada Gargaarka Kuwait Oo Ceel Biyood ka Qoday Degmada Boorama

Sep 29, 2013 Hargeysa(SM) – Jimciyada Gargaarka Kuwait ayaa maanta ku wareejisay Wasaarada Biyaha ee Gobolka Awdal ceel biyood ay ka dhistay degaanka Sheelaha ee degmada Boorama, waxana uu ceelkani ka kooban yahay taangi biyaha lagu kaydiyo, qolkii mishiinka la dhigayay, dar ay xoolahu ka cabaan iyo kiyoos ay dadku ka dhaansadaan.

Madashan ayaa waxa ka soo qayb galay saraakiil ajinabi ah oo ka socotay Jimciyada Gargaarka Kuwait, maamulka gobolka Awdal, madaxa Jimciyada Gargaarka Kuwait ee Somaliland Axmed Barkhad Good iyo masuuliyiinta shirkada SHABA.

Ugu horayn sarkaal ka socday Jimciyada Gargaarka Kuwait oo ajinabi ah ayaa waxa uu sheegay in ceelkan biyaha ah ee ay ka dhiseen degmada Boorama loogu talo galay inuu baahida dhinaca biyaha ah ee ka jirta Somaliland wax ka taro, waxana uu si gaar ah ugu mahad celiyay madaha Jimciyada Gargaarka Kuwait, oo uu sheegay inuu ka qayb qaatay dhismaha ceelkan.

Isuduwaha Wasaarada Biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil Awliyo oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay Jimciyada Gargaarka Kuwait, oo ceelkan dhistay, waxana uu sheegay in xukuumadu ay ku faraxsan tahay in baahida biyaha ee jirta ay wax ka qabato iyada oo la kaashanaysa hayadaha ay gacan saarka leeyihiin, waxana uu intan daba dhigay in ceelkan ay ku wareejin doonaan SHABA oo ay ka rabaan inay daryeelaan ceelkan.

Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo isaguna ka hadlau halkaasi ayaa yidhi “Waxa aan Jimciyada Gargaarka Kuwait uga mahadcelinaynaa ceelkan ay noo qoday, iyo iyada oo wax ka qabatay baahidii ugu muhiimsanayd ee ahayd dhinaca biyaha oo aanay aadamuhu ka maarmin, waxana aan balan qaadaynaa inaan ilaalino oo aan daryeelno ceelkan la noo dhisay”

Cabdi Cabdilaahi oo ku hadalay magaca SHABA ayaa isaguna ka mahadnaqay ceelkan ay u qoday Jimciyada Gargaarka Kuwait, waxana uu carabka ku dhuftay in marka ceelkan lagu soo wareejiyo ay u guntan doonaan sidii loo ilaalin lahaa loogana dhawri lahaa dayca.

Jimciyada Gargaarka Kuwait ayaa labaatankii sano ee u dambaysay ka hawl galaysay Somaliland, waxana ay wax ka qabatay baahiyaha dhinacyada biyaha iyo caafimaadka ee Somaliland ka jirta iyada mudadaasi gacanta ku haysa cisbitaalka TB-da ee Hargaysa.

Salaanmedia/Hargaysa