Kulan balaaran oo ay isagu yimaadeen Xubnaha xisbiga ucid ee Uk kuna kuna sagootinayeen Amina Adan oo ka mida xisbiga Ucid laantiisa Austarila aya ka dhacday Galbeedka London

London 07sep13(SM) Kulan balaran oo ay isagu yimaadeen xisbiga Ucid laantiisa uk aya waxay ka dhacday galbeedka London kulankan aya waxa soo qaban qabiyey Garabka Haweenka ee xisbiga iyaga ay marti ku ahayeen xubnaha xisbiga ee laanta Austarlia siiba Garabka haweenka oo ay ka socotay Amiina Adan iyaga oo ka wada hadlay sidii labada lamood  ay iska kaashan lahayeen Horumarka iyo dardar galinta xisbiga ee Qarada Austraila iyada oo la filaayo in wafdi balaran  oo xisbiga Ucid u anbabixi doono Caasimada wadanak Austarila iyaga oo casuumad   ka helay Tageerayasha Xisbiga. Kulankan  ayaa wax hadalo waano ka soo jediyey Siciid Cumar oo ah Asaasayashii Xisbiga Ucid ahna xubnaha ugu firfircoon ee xisbiga isaga oo ka hadlay  heerarka uu soo maray xisbiga iyo waxa uu higsanayo waxa kale oo goobta ka hadashay Marwo Nuura omaar oo ah Xoghayaha Garabka Haweenka ee Ucid  kuna dheeratay iskaashiga xisbiga laamihisa kala duwan ee dhamaan Qaradaha Aduunka ku Yaala waxa kale oo goobta ka hadashay Ayaan Idris khasnajiga laanta Uk waxanay ku dheeratay  Horumarka uu xisbigu gaaray iyo waxa uu hatan higsanayo waxay tiri waxa  la garay xiligii si wada jira iyo iskaashi uga dhaxayn laha dhamaan laamaha xisbiga ee yurub iyo Amerika iyo Australi , waxa gabagabadii ka hadlay Siyaasiga Siciid Xariir Diiriye oo ka hadlay Marxalada uu Xisbigu Marayo iyo sidii loo dardar galin laha oo siyaasad Midaysan looga hor tagi laha Xisbiga Talada Haya iyo sidii midnimo xisbiga uga muqan lahayd oo aan talada lagu halayn xisbiga Kulmiye , gabagabadii waxa ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga ee uk Maxamed Jamac Shiine oo u mahad celiyey marti sharaftii ka soo qayb gashay kulan kan.

 

DSC02690

DSC02692DSC02637

Ucid Media/UK