Kulan ka dhacay London oo looga soo horjeestay xayiraadda Xawaaladaha Soomaalida ee Bangiga Barclays (SAWIRRO)

Isniin, 02 September 2013—(SM): Kulan aad u ballaadhan ayaa xalay lagu qabtay bariga magaaladda London. Kulanka ayaa ujeedadiisu ahaa sidii loo muujin lahaa sida looga soo horjeedo xayiraaddii uu Bankiga Bacrclays kusoo rogay xawaaladdaha Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah dadka ajaanibta ah ee dalkan kunool.

 

Kulanka oo aad u ballaadhnaa waxa kasoo qaybgalay dadweyne aad u faro badan, Madax ka tirsan Dawladaha hoose ee Xaafado badan oo ka tirsan London,Aqoonyahanno Soomaaliyeed,Haween iyo Dad kale oo iyaguna qayb weyn ka qaatay muujinta arrinkan oo waxyeelo weyn u tari kara shacabka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee iyaguna lacagaha dira.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay madax sar-sare oo ka tirsan Dalkan Ingiriiska oo isugu jirey qaar qaabilsan arimaha bila’aadannimada,qaar ka tirsan Barlamaanka Dalkan Ingiriiska iyo madax sare oo ka tirsan golaha degaanka ee xaafadaha London, kuwaasi oo aad ula socday hawlaha xawaaladdaha iyo muhiimadda ay u leeyihiin dadka Somalida ah iyo lacagaha ay diraan oo dad aad u faro badan oo ku nool Somalia ay ku tiirsan yihiin,Waxayna cadeeyeen in haddii tallaaabadan joojinta xawaaladdaha ay hirgasho ay dad badan oo Somalia ku nooli ay soo  gaadhi doonto dhibaato weyn.

 

Waxa kale oo madasha shirku ka socday ka hadlay madax sare oo ka tirsan hay’adaha ka shaqeeya hawlaha bina’adannimada oo ku tilmaamay in ay isticmalaan Xawaaladdaha Soomaalida si ay u gaadhsiiyaan wixii ay u baahan yihiin,iyadoo rajo xumo laga muujiyay in haddii la joojiyo lacag dirisata dadka Soomaalida ah ay u keeni karto arrin aad u dhibaato badan oo keeni karta baahi badan.

 

HALKA HOOSE KA DAAWO SAWIRRO BADAN

 

Ibraahim Maxamed Yusuf oo ah madaxda sare ee xawaalada Dahabshiil kana mid ah urur cusub oo ay ku midoobeen ururrada u ololeynaaya in xawaaladdaha aan la joojin oo lagu magacaabo (SOMSA) ayaa sharaxaad ka bixiyey, ujeeddada shirka uu ku saabsan yahay,dadaalka ay ugu jiraan sidii arrinkaas  uu wado Barclays Bank ay u joojin lahaayeen,Waxa kale oo uu sheegay in la qaban-qaabinaayo mudaharaad kale oo lagu muujinaayo sida looga oo horjeedo joojinta lacag dirista.

 

Madaxdii ka hadashay oo aad u badnaa waxa ka mid ahaa,Patrick Vermon Tulip Sadiq,  John Biggs,   Abdual Mohamed, Dominic,   Jackie Applebee iyo Mohamoud Jama  Sunoco iyo Rushanara Ali MP. Waxa kale oo ka hadlay madax faro badan oo Soomaali ah,Dhaamaantood waxa ay muujiyeen in dadka Soomaalida ah ee dalkan Ingiriiska ku nooli ay qayb weyn ka qataan dedaalka loogu jiro ee lagu hor istagayo sidii aan loo xidhi lahayn accounada ay xawaaladaha Soomaalidu leeyiniin.

 

Waxa la filayaa in dadaalka lagu bad-baadinaayo xawaaladdaha Soomaalida ah la labuu laabo, waxaana dhawaan la qaban doonaa mudaharaad weyn oo lagu muujinaayo in joojinta lacagaha la diraayo ay tahay arrin aad u khaldan,Waxaana dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay UK ka joogaan laga codsanayaa in ay  qayb weyn ka qataan dadaalka lagu jiro.

 

HALKAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMIJKA KULANKA

Â