Kulan lagu taageerayay Fatwadii laga soo saaray Shirkii Culimada oo maanta Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Kulan lagu taageerayay fatwadii laga soo saaray shirkii Culumaa’udiinka Soomaaliyed ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu adkeeyay in la dhaqan gelinayo qodobadii shirkaas ka soo baxay ee mudada shanta maalmood socday.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa ka qeyb galay Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca, iyagoo sheegay inay u dhaqan gelin doonaan shirkaas sida waafaqsan shareecada Islaamka.

Ugu horeyn waxaa kulanka furay oo ka hadlay Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Maxamed Abuukar Soomow ayaa sheegay inay ayidayaan fatwada laga soo saaray shirkii Culimada, isagoo xusay inay rajeynayaan inay dhaxalgal noqdo.

“Waxaan ayideyneynaa oo taageereynaa fatwadii culumada soomaaliyed ee dhaxalgalka aheyd ee miraheeda umada soomaaliyeed ay guran doonaan, aragtiyada ahlusuna shirkaas qeyb ayay ka aheyd, go’aanadii laga qaatay shabaab waa taageereyna, culimada waxay mowqif ka qaateen in Shabaab yahay cadawga dadka, diinta iyo dalka, hadey fiiriyeen quraanka kariimka dhaqankooda inuu islaam aheyn”ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Sheekh Soomow ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan fatwada culimada, isagoo tibaaxay in culimada aanay is khilaafsaneyn, isla markaana ka qaatay mowqif mideysan.

“Culimada isma khilaafna mowqif ayay ka qaateen, waa koox dhuntay Al-Shabaab oo dhaqan lumineysa in culimada soomaaliyed go’aamisay, dhalinyarada soomaaliyed ee la marin habaabiyay waxaa leenahay haka soo laabteen, bulshada soomaaliyed haku soo biireen”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Sheekh Muuse Macalin Axmed (Sheekh Muuse Cagaweyne) oo isna codkiisa ku biiriyay inay taageerayaan fatwada, isla markaana markii u horeysay culimada ka yimid gudaha iyo dibada inay shir isugu yimaadeen oo ay mowqif ka qaateen.

“Fatwadii ugu horeysay waxaa ka soo saaray Cali Bin Abii Daalib, oo gartay in nimankii Khawaarijta ahaa inuu aad ula dagaalamay, lana baabi’iyay, fatwada ma cusba, laakiin waa wanagsan tahay in culimada inay shiraan oo fatwo soo saaraan, runtiina mowiqf muhiim oo la qaatay ayuu ahaa”ayuu yiri Sheekh Muuse Cagaweyne.

Sheekh Axmed Shuqul Sheekh Aadan Dheere oo ah Gudoomiyaha Ahlusuna ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo fatwada, isagoo xusay in markii u horeysay ay tahay in shacabka, culimada iyo dowladda oo hal cod ah inay Shabaab meel uga soo wada jeestaan.

“Waxaa rabaa waa dhab markii u horeysay hal cod ay leeyihiin culimada inuu soo baxo, marka u horeysay shacabka maqlan, dowladii iyo culimada iyo qeybaha bulshada shir lid ku ah Shabaab, in maanta cod mideynaya la yeesho waa wax muhiim ah in mowqif adag la qaato”ayuu yiri Sheekh Axmed Shuqul.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda ay dhaqan geliso shirkaas wixii ka soo baxay, isagoo tilmaamay in dhinacooda ay soo dhoweynayaan mowqifka laga qaatay Shabaab, maadaama uu xusay in Ahlusuna ahaayeen dadkii horay mowqifka ka qaatay.

Sheekh Maxamed Jaamac oo ka hadlay dilkii Abuu mansuur Al-amriiki ayaa sheegay inuu muteystay wixii uu dadka ku dhibaateeyay, isagoo cadeeyay inuu dalka uu ku soo duulay dadka laayeen, ayna mari doonaan jidkii uu marayi Al-Amriiki, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada la qalday inay soo laabtaan.

Ugu dambeyn Waxaa kulanka ka hadlay Culumaa’udiin dhowr ah oo dhankooda muujinayay sida ay raali uga yihiin fatwada la soo saaray, waxaana ay ku baaqayeen in la dhaqan geliyo, shacabka Soomaaliyeed ay midoobaan.

Salaanmedia/Mogdisho

Â