“Ma Ogolaanayno in S/land Qaranimadeeda la taabto oo wax Aan Jirin La sheego”

Hargaysa (SM): Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa ku baaqay in loo midaysnaado danta guud ee qaranka xukuumadda na lagu xaq-dhawro xilka loo igmaday, isla markaana la iska ilaaliyo wixii wax u dhimaya midnimadda.

waxaanu sheegay Sheekh Aadan Siiro in aanu shaqsiyan cidna ka ogolaanayn in la taabto qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland in laga fidiyo dacaayado raqiis ah iyo warar aanay waxba ka jirin. Waxaanu sidan ka sheegay Sheekhu khudbadii salaada Jimce ee uu shalay ka jeediyay masaajidka Xawaadle
ee ku yaala degmadda 26-ka.

Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada dalka ee sida aadka ah ugu adag qaranimadda Somaliland, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in xukuumadda lagu xaq dhawro xilka loo igmaday. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waar hala joojiyo waxyaabaha la qorayo hana la ilaaliyo Somaliland, waxaana la qoray nabadgalyo kama jirto waana wax aan jirin taasi, waadigaa arkaya Hargeysa badhtankeeda oo dumarkii dahabka ku iibinayaan, marka la dacaayadaynayo diyaaradii dadka u adeegaysay karis xun iyana wax ku la, mid ayaynaan ogolaanayn in Somaliland la taabto ama ha noqdo siyaasi ama wadaad ha noqdo ama waran leh ha noqdo ama ganacsade ha noqdo, waar Ilaahay hala mahadiyo nabadgalyada aynu haysano, kuwa leh waxba ma jiraan ee Xamar ka degaya nin isagii ajnabi ilaalinayo bal kuwan u hanqal taagaya ka warama”.

Sidoo kale Sheekh Aadan Aadan Siiro ayaa u soo jeediyay dadka sida xun wax u sheega in xukuumadda lagu xaq dhawro xilka loo igmaday, isla markaana loo midaysnaado waxyaabaha danta guud ah. Waxaanu sheegay sheekhu in dadka warbaahinta ku faafinaya waxyaabaha jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland lidka ku ah ee inagu diraya dawladaha jaarka ah ay joojiyaan.

waxaanu yidhi “Bal madaxtooyada tagaya, nimankii aynu shaqada u diranay safaf ayaa loogu jiraa, waar aan shaqada u dayno iyaga, wixii danta guud ahna aan u midaysnaano, danteena aynu garano, waar wax halaysku sheego, laakiin ma aha in aad wadamadii jaarka inagu dirtaan, oo aad tidhaahdaan waan qarxaynaa, haddii aan waxyaabahaasi la joojin dadkeenu wax noqon maayo, adna waxba ma tihid”.

Salaanmedia/Hargeysa