Ma Rabtaa Inaad Noqoto Xidig Ka Dhex Iftiima Bulshadiisa?

img_0952

Qofwalba waxa uu jecelyhay in uu noqdo qof la jecelyahay oo ixtiraam iyo mudnaan ku dhex leh bulshada uu ku dhex nool yahay. Waxa jirta in uu dadku sidiisaba jecelyahay inuu lahaado sifooyin ka madhan xumaan iyo hoosayn. Iyadooy sidaasi jirto ayaa hadana waxa la arkaa in ay dadka qaar ku kacaan falal iyo dhaqamo hoos udhigaya shakhsiyadooda iyo bulshada ka ag dhaw. Waata arintaa darteed loo yidhi “nin waliba qumanihiisa ayaa qoorta u sudhan”. Runtuna waxay tahay in aanu qofku ahayn waxa uu jecelyahay laakiin uu yahay afkaarta ka dhex guuxaysa maskaxdiisa. Afkaartaasna waxa cadeeya oo micneeya ficilada iyo dhaqamada uu qofku ku dhaqmo ama sameeyo. hadaba hadii uu hamigaagu yahay inaad noqoto qof lagu hirto oo ka dhex muuqda bulshadiisa oo ay umada iyo dadkuba guud ahaan jecelyihiin waxa muhim ah inaad horta ku dadaasho:—

—- Jacaylka ilaahay . Ogowna kaliya waxa qofku uu noqdaa mid qiimo iyo ahmiyad ku leh dhulka dushiisa marka laga jeclaado samada dusheeda. Nabigeenu SCW waxa uu inoo sheegay in marka uu ILAAHAY qof jeclaado uu Malaku jibriil u yeedho oo uu ku yidhaahdo “waxan jeclaaday adoonkayga hebel ee adna jeclow”. Malaku jibriilna inta uu jeclaado ayuu malaa’iikta samada joogta ku yidhaahdaa Hebel Ilaahay ayaa jeclaadee jeclaada markaasay jeclaadaan. Kadib ILAAHAY waxa uu arlada ku soo dajiyaa jacaylka adoonkaasi uu jeclaaday sidaas ayayna Umadu ku jeclaataa qofkaas. Hadii aad aragto qof umadu jeceshahay ogow ILAAHAY ayaa jecele.
—Hagaaji oo qurxi xidhiidhka aad la leedahay umada. Ka war hay axwaasha iyo duruufaha umada aad la nooshay. Kooga buka booqo,kooga baahan caawi, kooga khaldan u nasteexee, kooga faraxsana u hambalyee oo u hadyee. Nabigu SCW wuxu yidhi “isku hadyeeya aad is jeclaataane”
—- mar ka aad qof la kulanto ku qaabil waji farxad iyo dhoola cadayni ka buuxdo. Si diiran u salaam dareen siina inuu agtaada muhiim ka yahay.
—- noqo mid dhagaysigiisu ka badanyahay hadalkiisa. Xasuusana xikmad ku jirta inuu ILAAHAY kusiiyo labo dhagood iyo hal af.. wa Inaad In yar hadasho In badana Dhagaysato. Dhagta ku caawi umada waxay jeclaan doonan inay kula hadlaane.
—badi salaanta.Nabiga SCW aya inoo sheegay inay salaantu tahay shayada umadu isku jeclaato.
— noqo mid gacan furan oo deeqsiya. Ogowna hadba inta aa wax bixiso ayay kuu siyaada maalka iyo shaqadu.
— Naxariis iyo beerjileec tus umada oo iska ilaali kibirka iyo qabwaynida.
— ha ufiirfiisan oo indha iska qabo khaladaadka dadka kale
— isku day inaad ka fogaato xaasidnimada iyo caloolxumada
— noqo qof cadhadiisa qarsada
—-qofkasta magaca uu ugu jecelyahay ugu yeedh
—-iska ilaali damaca iyo rabitaanka kuu gala waxa dadku haysto iskana ilaali suaasha.
—-isku hawl inaad caawiso qof kaste ood caawin karto.
Ugu danbayna adigu jeclow umada waxad la kulmi jacaylkoodee..

Qalinka:- Mohamed Omer Osman