Machadka GlobalNet oo Xarumo kuleh London iyo Afrika ayaa noqday machadka ugu caansan ee Soomaali leedahay laguna barto Cilmiga Teknoolajiyada (Computer)

2

GlobalNet waa machad caalami ah oo lagu barto culuumta Teknoolajiyada. Waxaa GlobalNet la aas’aasay mudo haatan laga joogo 12 sanadood. Waxaa machadka lagu aas aasay magaalada London. Ujeedooyinka loo aas’aasay GlobalNet waxaaka mid ahaa sidii bulshada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa barashada culuumta casriga ah ee Teknoolajiyada si ay ula jaan qaadaan dunida inteeda kale. Waxaa xusid mudan in fikirka machadka lagu aas aasay ay lahaayaan aqoon yahano Soomaliyeed oo uu hormuud u yahay Eng. Abdullahi Macalin Maxamuud (Macalin Abdallah)

Koorsooyinka ka baxa GlobalNet waxay isugu jiraan kuwo billow ah, dhex-dhexaad iyo kuwo heerkoodu sareeyo. casharada ka baxa GlobalNet waxaa ka mid ah ECDL, CompTIA A+, CompTIA Network+, Microsoft (MCSA & MCSE), Cisco (CCNA, CCNP, VoIP, Security), Web Design iyo Programming.

Ardayda wax ka barata GlobalNet waxay isugu jiraan rag iyo dumarba, yar iyo weyn, taasoo macneheedu inay cid waliba wax ka baran karto GlobalNet.

 

Mudadii machadka furnaa wuxuu ku tallabsaday horumar aad u weyn waxaana kasoo qalin jebiyay arday badan kuwasoo ku takhassay culuumta kal gedisan ee computerka. Waxaa xusid mudan in arday badan oo ka qalin jebisay GlobalNet la shaqeeyaan shirkadaha ugu waaweyn caalamka sida BT, NHS, Goldman Sachs, Morgan Stanley, EMC, House of Common, London University, Islamic Bank, NTT Europe, Transport for London (TFL), Mcafee, Jamie Oliver Group iyo kuwo kale oo badan.

Maamulka iyo macalimiinta GlobalNet waxay mar waliba ku dadaalaan sidii ardaydooda u siin lahaayaan tababaro lacag la’aan ah oo ku saabsan xaga shaqo raadinta. Wuxuu machadka si joogto ah u qabtaa siminaaro lagu baranayo diyaarinta CV-yada, qorista waraaqaha shaqo raadinta, ka jawaabida su’aalaha ad-adag ee ka imaan kara shirkadaha doonaya in loo shaqeeyo.

Hadaba si aad wax uga ogaato guulaha wax ku oolka ah ee ay soo hooyeen ardayda wax ka barata GlobalNet, waxaad daawataa video-gan xaga hoose ka muuqanaya.

Faysal Abdirahman waa arday wax ka bartay GlobalNet oo qaatay koorsooyin ay ka mid yihiin A+, Network+ iyo MCSA. Faysal wuxuu la shaqeeyaa shirkad aad u weyn oo la yiraahdo NTT Europe.

Sidoo kale Faysal Mohamed waa arday wax ka bartay GlobalNet sameeyayna A+, Network+, MCSA iyo CCNA. Faysal wuxuu la shaqeeyaa Morgan Stanley oo ah shirkad aad u baaxad weyn. Faysal wuxuu ka shaqeeyaa xarunta shirkadu ku leedahay magaalada Zurich.

3

hqdefault

 

Sida aad Warbixinta guud ku aragtaan cilmiga Tignoolojiyada ayaa ah in aad si wacan u barato aadna muhiim u ah dalalka reer Galbeedka iyo dhamaan aduunka oo dhan,Waxa maxadkaa GlobalNet waxa ka barta arday aad u badan oo Soomaali ah,waxa uu xafiisyo ku leeyahay magaaladda London,Nairobi iyo meelo kale oo farabadan,Arday dhalinayro Soomaali oo dalkan waxka bartay ayaa maxadkan si weyn wax uga bartay,kadibna shaqooyin wanaagsan ka helay Combaniyo waa weyn oo aduunka ku yaala.

Fadlan Cinwaankan Hoos ku xardhan kala soo xidhiidh wixii macluumaad ah ee ku saabsan maxadkan lagu barto Cilmiga Combutarada.

 

Address:
Lanmor House, 1st Floor
370 – 386 High Road
Wembley, Middlesex
London
HA9 6AX
United Kingdom
Booking: +44 (0) 800 756 5191
Mobile: +44 (0) 793 091 0505
Email: admin@globalnetict.net
GlobalNet Wembley Branch
Wembley Branch

By Bus:Bus routes 6 and 9 both drive past the centre.

Address:
Communication House, 3rd Floor
16-18 Whitechapel Road
London
E1 1EW
United Kingdom
Booking: +44 (0) 800 756 5191
Mobile: +44 (0) 793 091 0505
Tel/Fax: +44 (0) 207 377 7553
Email: admin@globalnetict.net
GlobalNet Whitechapel Branch
Whitechapel Branch
Contact GlobalNet ICT Solutions