Madaxwaynaha Somaliya Oo Khudbad Ka Jeediyey Shirka Ka Hortaga Budhcad Badeeda Ee Ka Furmay Dubai(Daawo Sawiro)

 

Sep 11,2013 Muqdisho(SM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeeediyey furitaanka shirka ka hortaga Burcad Badeed oo maanta ka furmay magaaladda Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa marka hore u mahad celiyey Dowladda Imaraadka Carabta oo sanad walba qabata Shirkan” Aad ayaan uga mahad-celinayaa Dowladda Imaraadka Shirkan iyo fahamka Qatarta Burcad Badeeda.

“ Dowladda Soomaaliya diyaar ayey u tahay la shaqeynta caalamka si loo dhaqan geliyo muhiimadaha gaarka ah sida, Ammaanka, Cadaaladda, hagaajinta maamulka Maaliyadda, Dowladd-wanaaga iyo kuwa kalaba” ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirkan oo sigaar ah looga hadlayo sanadkan Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha awood ka hortagta, ayaa Madaxweynahu ka sheegay in xalka Burcad badeeda yahay xoojinta iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana shirka ka qeyb galay madax ka socota wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Isutaga Imaaraadka carabta Sheekh Abdullah Bin Sayed, waxa uuna kala hadlay xiirirka labadda dalka.

 Salaanmedia/Mogdisho