Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay tallaabo milateri ka dhan ah Suuriya (Sawirro)

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa goor dhow ku dhawaaqay tallaabo milateri oo ka dhan ah dowladda Suuriya inay qaadayaan, isagoo sheegay in aqalka Congress-ka ay weydiisan doonaan Ogolaansho.

Madaxweyne Obama oo shir jaraa’id ku qabtay xalay  Aqalka Cad ee looga arimiyo Mareykanka ayaa sheegay in aanay ogolaan doonin meel dadka aan dambiga laheyn lagu dilo iyo in la adeegsado hubka kiimikada.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Suuriya inay leysay dad fara badan oo aan waxba galabsan oo caruur u badan, kadib markii ay adeegsatay hubka kiimikada, waxaana uu cadeeyay in aanay fiirsan doonin rajiimka dalkaas in hubka kiimikada uu u isticmaalo caalamka.

Obama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qaato go’aanka tallaabada milateri looga qaadayo Suuriya, isagoo xusay in qaar ka tirsan Aqalka Cogress-ka ay u sheegeen in codkooda ay kor u qaadayaan.

Waxaa uu sheegay in dagaalka aanu waqti u go’neyn, isla markaana dagaalka uu noqonayo mid berri, ama todobaadka soo socda ama bil gudaheed ku qaadaan bartilmaameed ka mid ah gudaha Suuriya.

“Indhaha kama fiirsan doono waxa ka dhacay Dimishiq, Mareykanka uma dulqaadan dooni, howl galka milateri waqti uma go’na, wuxuu bilaaban karaa, berri, todobaadka soo socda ama bil”ayuu yiri Obama.

Mr Obama ayaa sheegay in aanay u dulqaadan doonin ficilada Rajiimka Suuriya, isagoo xusay in ciidamada ka jooga Gobolka ay diyaarsan yihiin, waxaana uu cadeeyay in Rajiimka qatar ku tahay Ammaanka qaranka Mareykanka iyo dalalka gobolka ee ay saaxibada yihiin sida Israa’iil iyo Urdun.


Kooxda Khubarada Qaramada Midoobey ee baareysa hubka kiimikada ay adeegsatay Suuriya ayaa isaga baxay dalkaas, ka hor inta Madaxweynaha Mareykanka ku dhawaaqin tallaabada Milateriga ee ka dhanka ah Suuriya.


Tallaabada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka inay qaadayaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo Madaxweynaha Ruushka uu ka dalbaday Mareykanka inay keenaan cadeymaha muujinaya in Suuriya adeegsatay hubka Kiimikada, isla markaana horkeenaan Golaha ammaanka.