Madaxweynaha Somaliya Iyo Raysal Wasaaraha Talyaaniga Oo Roma Ku Kulmay(Daawo Sawiro)

Sep 18,2013 (SM) Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga balaaran ee la socda ayaa maanta kulan saacado qaatay R/wasaaraha dalka Talyaaniga Enrico Letta.

Ka hor kulanka ayaa R/wasaaraha Talyaanig Enrico Letta oo albaabka hore ee xafiiska ku sugayey Madaxweynaha jamhuuriyada federalka ah ee Soomaaliya waxa ay salaan sharaf si wada jir ah ka qaateen ciidamada Qalabka sida, iyada oo kooxda baandada muusikadana ay halkaasi ku garaaceen astaamaha labada dal.

Intaasi ka dib Madaxweynaha jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaiya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Talyaaniga Enrico Letta ayaa ayaa u gudbay qolka shirka, waxaana jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya kulankan ku wehlinayey R/wasaare Xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada marwo Fowxiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane C/xakiin Faqi, Wasiirka Qorseynta iyo maaliyada Mudane maxamuud Xasna Suleymaan Wasiirudowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Faarax C/qaadir, Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Danjir Muuse Xasan, iyo Madax kale.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud iyo R/wasaate Letta ayaa kulankooda kaga wada hadlay doorka dowlada Talyaaniga ee ku aadan arimaha Soomaaliya, iyo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal., kulankaasi gaarka ah ka dib ayaa waxaa ay madaxweynaha iyo R/wasaaraha wada qabteen shir jaraaid oo ay ku faahfaahiyeen kulankooda.

Ugu horeyn R/wasaaraha Dalka Talyaanig ayaa sheegay in farxad gaar ah oo taariikhi ah ay u tahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku casuumo Roma, waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen qodobo dhowr, hase yeeshee waxa uu ku celceliyey in Dowladda Talyaaniga ay door muuqda ka cayaari doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagana sheegay in uu ku faraxsan san yahay sida qiimaha badan leh ee uu R/wasaaraha Talyaaniga ugu muujiyey taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Italay iyo Soomaaliya ay ka dhaxeyso xiriir taariikh aad u fog sidaasi daraadeed waxa uu madaxweyne Xasan sheegay iskaashiga iyo taageerada Dowlada Talyaaniga in ay si weyn kaga duwan tahay taageerada Dowladaha kale.

Madaxweynaja hamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya oo iyo Wafdiga Balaaran ee uu hogaaminayo oo shalay soo gaaray magaalada Roma ayaa shalay waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga, waxa uuna sidoo kale booqday Jaamacada Roma isaga oo halkaasina ka jeediyey khudbad aad u qiimo badneyn.

 

Salaanmedia/Mogdisho