Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saylici Oo Kulan Casho Ah Xalay Ku Yeeshay Madaxtooyadda Oo Lagaga Wadahadlay Sidii Loo Bogsiin Lahaa Dareen Weji Kala Dadab Leh Oo Dhexyaal

image

 

Sep 30,2013 Hargaysa(SM)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi ismaciil saylici ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda ku yeeshay kulan Casho ahaa oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo so oaf-jari lahaa tabashooyin dhinaca Maamulka ah oo wali dhex miranayay labada oday wallow hore arrintaasi Xukuumaddu u shaacisay inay dhamaysay.

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabadu u xidhnaayeen waxa qayb ka ahaa Wasiiradda ugu Tunka waawayn Xukuumadda talada haysa, waxaana lagaga wadahadlay sidii loo bogsiin lahaa dareen ay Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Madaxtooyaddu ka qaateen Aamusnaanta Madaxweyne ku-xigeenka oo ay saxaafadda Somaliland beryahan aad u hadal haysay, taasoo ay ku faaqidayeen sababta keentay Saylici inuu ka muuqan waayo saaxada in ay tahay in aan waxba loo dirsan isla markaana uu isna ku qancay inuu Gurigiisa iska fadhiyo maadaama dhawr jeer oo hore la wada hadashiiyay isaga iyo madaxweynaha, wadahadaladaas oo noqday Hal-bacaad lagu lisay.

Kulanka xalay labada Oday wada yeesheen ayaa ku soo beegmay Xilli Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo u xadhko xidhan yahay safar aan illaa hada Macluumaad badan lagag haynin, kaasoo la filayo inuu ku tagi doono Dalal dhawr ah isla markaana uu Dalka ka maqnaan doono muddo ku dhaw Bil.

Safarka Madaxweynaha dartii ayaa waxa maalmahanba socday Dedaalo la doonayay in lagu qanciyo Madaxweyne ku-xigeenka in uu talada Dalka la sii wareego si uu waajibaadka Dastuuriga ah ee Qaranka u sii guto, sidoo kale waxa lagaga hortagayay si aanay u dhicin mudada uu xilka sii hayo in uu ku talaabsado go’aano la mid ah kuwii uu ku dhaqaaqay safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo talada kaga sii tagay, wakhtigaasi oo ay isku dhaceen wasiirka Madaxtooyadda.

Lama Oga Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland in uu ku wehelin doono Madaxweyne Siilaanyo safarkiisa iyo inkale, haddiise uu ku weheliyo ma muuqan doonaan baqdinta laga filan karo Saylici, haddiise uu ka hadho waxa la odhan kara kulanka cashada ah ee uu xalay u sameeyay aku-xigeenkiisu waa mid uu isku ogolaysiinayay mudada uu ka maqan yahay dalka inaanay isku sii dhicin.

Si kasta ha ahaatee, Fagaarayaasha Siyaasadda waxa ka muuqatay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ay saarnaayeen cadaadisyo is biirsaday oo saameeyay in xataa laga hor istaago Munaasibadihii Iskuuladda loo qabanayay oo Madaxweyne ku-xigeenadii Dalka soo maray u ahayd fursad ay bulshada ku soo dhex galaan maadaama Dastuurka Dalku aanu siinin Awood Fulineed marka Madaxweynuhu Dalka joogo.

Salaanmedia/Hargaysa