Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Bixiyay In Garoomo Cusub Laga Dhiso Goboladda Dalka Oo Dhan

SIILAANYO

Sep 29.2012 Hargaysa(SM)Xukuumadda Somaliland ayaa Amar ku bixisay sanadkan in Garoomo lagu ciyaaro kubadda laga dhiso dhamaan goboladda Dalka si looga baxo Garoomo la’aanta ka jirta, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo sidaas faray Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa.

“Waa in magaalooyinka waaweyn laga dhisaa Garoomo Ciyaareed, iyadoo Dhulka laga dhisayana ay ka wada hawl gali doonaan helistiisa Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaaraha iyo dalxiiska, Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Guryaynta iyo Gaadiidka Guddoomiyayaasha Golayaasha Deegaanka iyo cidii loo baahdo.”

Amarka Madaxweyne Siilaanyo uu soo saaray oo ku Cad Siyaasadda uu ku hagi doono sanadkan Dakhliga Dalka ka soo baxa ayaa wax wayn ka tari doonta baahida loo qabo Garoomada lagu ciyaaro oo dhalinyarada dhibaatao wayn ku haysay.

Qorshaha Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhashay kadib markii sanadkan xukuumaddiisa dhibaato baaxad lahayd kala kulantay Ciyaarihii Goboladda oo u baaqaday Rabshado ka dhacay Degmadda Axmed dhagax oo uu ku yaaloa garoonka kali ah ee Dalka ugu weyn ee Hargeysa Stadium, kaasoo ay Xukuumaddu tahli kari wayday in ay ku qabato wakhtigii Ciyaaraha loogu talo galay iyagoo dib uga dhacay Muddo badan.

Garoonka Hargeysa Stadium oo muddo hore la dhisay ayay Xukuumaddu xilligan u aragtay in aanu kalidii An-facayn Dalka, sidaas daraadeedna waxa ay Xukuumaddu ku Hanbaabirtay sida ay Muhiim u tahay in la helo kuwo dhigiisa ah oo Goboladda oo dhan laga hirgaliyo si looga baxo Caqabad kale oo la soo darista sanad ciyaareedka 2014-ka

Salaanmedia/ Hargaysa Office