Madaxweyne Siilaanyo oo booqday wadada Burco,Oodweyne ilaa Hargaysa 17.9. 2013

Bulshada Gobolka Daadmadheedh ayaa guddoonsaday inay uruuriyaan Xoolo tiradoodu dhantahay 5,000 ( shan kun ) oo adhi ah, iyo 500 ( shan boqol ) oo geel ah. Xoolahaas waxa loogu tallo galay in lagu dhiso jidka Wadnaha ee isku xidhi doona Burco- Oodwayne-Hargeisa.
Dhismaha jidkaas waxa gacan wayn ka gaystay Guddigga Horumarinta Gobolka Togdheer, qurbajooga iyo bulshawaynta Somaliland qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan haweenka. Waxa amaaan iyo bogaadin mudan Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo ku wareejisay 4 cagaf-cagaf oo wax wayn ka tari doona dhamaystirka mashruucaas.