Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cambareyey Weerarkii Lagu Qaaday Hogaamiyaha Maamulka Jubbooyinka(War-saxaafadeed)

Sep 12,2013 Muqdisho(SM)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii  maanta lagu qaaday hogaamiyaha  Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Dowladda Somaaliyeed aad  ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Shiikh Axmed Madoobe. Waxaan leeyhay  shacabka goboladda Jubooyinka  si wada-jira  meel  ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa  sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba  lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab.

Ugu dambeyntii Madaxaweynaha ayaa yiri”  naf-lacaariga iyo sii dhabar go’a  kooxdan,  waxaa jab ku sii noqday is-fahamka  Umadda Soomaaliyeed”

Salaanmedia/ Muqdisho Office