Mareeyaha Tv-ga Qaranka Oo Jaaliyada Somaliland Ee Waddanka Holand Ku Dhaqan Shir Ballaadhan La Qaatay.+Sawiro.

(SM-London) Mareeyaha Telefeeshinka qaranka Somaliland Khdar Xasan Cali Gaas, ayaa munaasibad ballaadhan oo ay ku qaabileen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Holand,  wuxuu uga waramay xaalada waddanku hadda maraayo.

Kulankan dhexmaray Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Holand iyo Mareeyaha Tv-ga Qaranka, waxaa ka soo qaybgalay waxgaradka, odaayasha ururada haweenka dhalinyarada iyo bulshada kala gedisan jaaliyad ahaan ugu dhaqan dalkaas.

Khadar Xasan Cali Gaas ayaa uga waramay waxyabaha horumarka ah ee u qabsoomay Xuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) mudadii ay xilka haysay, wuxuuna sheegay in arrimaha bushada wax weyn laga qabtay mudadaas, geesta kale wuxuu warbixin jaaliyada ka siiyay Mareeyuhu marxalada uu ku suganyahay Telefeeshinka Qaranka Somaliland iyo waxyaabaha u qorshaysan. Wuxuuna sheegay inay waxbadan ka qabteen Studio-yada Tv-ga iyo kor u qaadida tayada shaqo.

Geesta kale Jaaliyada ku dhawan dalka Holand waxay si weyn ugu ammaanen  Mareeyaha Tv-ga Qaranka siduu u hormariyay Telefeeshinka mudadii uu xilka hayay, iyagoo tusaale u soo qaatay tayada barnaamijyada iyo wararka Tv-ga oo  humar badan laga sameeyay iyo muqaalka sawir ee Telefeeshinka. Sidoo kale waxgaradka Jaaliyada Somaliland ee dalka Holand waxay madashii shirka waxay eedeymo kulul ugu soo jeediyeen Mucaaridka Somaliland, waxayna ku tilmaameen in Mucaaridnimadoodi noqotay mid dalka waxyeelo gaadhsiinaysa, waxayna xuseen hadalada ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ee ahaa in aanay dalka nabadgelyo ka jirin ay ahayeen kuwo aanay jaaliyad ahaan dhegahoodu jeclaysan. Si kastaba ha haate kulankaas oo ku soo afmeermay jawidegan.