MAXAA LA GUDBOON DEGAAMADA SHIDAALKA LAGA BAADHAYO?

MAXAA LA GUDBOON DEGAAMADA SHIDAALKA LAGA BAADHAYO?

Waa su’aal  laga yaabo in inbadan lays waydiiyo, ayso dhici karto in aan weli meel laysla dhigin jawaabteeda.

 oil

Jawaaba markiiba imakara waxa ka mida shaqaalaha degaanka halo badiyo. Iaydoo la eegaayo durrufaha shaqa la’aaneed ee baahsan laguna salaynaayo xaqa qofka degaanka ka tirsan iyadoo mararka qaarkoo layara durkinaayo uwa degaanada kale ka yimid oo malaha la leeyahy halka ay joogaan ayay nooga badsadaan!

Waasi mid aan weli dad badan u kala cadayn sida degaanka loo kal ayahay, sababtoo ah qof jooga oo degaanka la sheegaayo u dhashay ayaa dhici karta in qof aan udhalani iska xigsiiyo. Isago garabka saaraayo uwo ay isa sii xigaan oo meesha u badan awgeed. Halkaas oo laga dheehan karo xaqdaro iyo sinaan la’aan dadka degaanka ah laftiisa ku iman karta. Ha joogto in ay danahooda wada ilaashdaane.

Marar kalena wax laga fikiri karaa sidii looga hor tegilahaa hadii  wax khaldan  oo kale la wado, oo ay ka mid tahy in shirkadaha wax qodayaa ay yihiin shirkado si masuuliyadi ku jirto u shaqynaayo oo daacad ah iyo in ay dhici karto in ay degitaanka ay dhulkeena degayaan alaabooyin kala duwan loona ogolaaday in ay dekada wadanka waxkala soo degaan in ay taasi keeni karto in shirkado kale oo  caalami ah ay heshiisyo qaab daran la soo samaystaan oo dhulkeena iyo bada heena loo isticmaalo meel qashinka suntan ah ee hadhaaga nukliyeerka loo isticmaalo. Iyadoo mars niyada lagu hayo in ay arrintaasi u fududayn karto qodista ay dhulkii qodayaan iyo mudad dheer ee ay joogayaan iyo iayada oo an laga shikiyaynin maadama ay shaqada ay hayaan ay ka md tahay dhul qodistu.

 

Marar kalena waxa loo badan karaa  in su mug iyo sharaf leh, loo soo dhowayno loolana shaqeeyo cid kasta oo hawshaas ku lug leh si horumar loo gaadho, waana marka sida fiican loo fikiro oo ah sida saxa. Hadii markaas meesha laga saaro oo ay ka baxsan tahy; waxyaabaha ay ka mid yihiin:-  dawlad xumo, cadaalad daro, aqoonyaraan, eex, musuq-maasuq iyo waxyaabaha kale ee inta badan bulshadu dhexdeeda amaba dawlada iyo daneeye yaasha kaleba kaga caban karaan.

 

 

Hadiise ay jirto dawlad aqoon hufan, karti iyo cadaalad ku hagaysa arrimaha oo lagu kalsoon yahay waxa dhici karta in hawshu ka yaraato bulshada degaamada ay arrimahani khuseeyaan.

 

Marar badan oo kalena waxa  laga hadlaa waxyeelada degaanka, dadka iyo nafleyda kaleba ay ky yeelan karto hadii la bilaabo amabo qodista shidaalka iyo hadii lasoo saaraba. Tani waxay had iyo jeer lugta ku haysaa gaar ahaan mara laga fikiraayo waayo aragnimada laga helay waxaabo ka dhacay wadamo kale oo caalmka ka mida gaar ahaan Africa iyo gobolo kale oo aduunka kale ka mid ahba. Taas oo keentay.

In  xidhiidh dhxmaray Saddex kooxood oo ka kooban siyaasiyiin iyo hantiileyaal wadani ah iyo shirkado ajaanib ah uu keenay in sixun oo qaanuunka caalmaka iyo ka dalka la joogaba a baxsan isla markaasna si aada uga soo horjeeda danaha iyo mustaqablka umadda dalaka leh loo faro geliyay oo loo kufsaday khayraadkii dalka. Taasi oo keentay in markii danbena degaamadii wax laga so saaray ay noqdeen degaamo la wisikheeyay oo ka guureen iyo lama degaan ku danbeeyay. Welibana caafimaad xumo riiq dheerina ay ka dhalatay.

Wax ay helaan iska daaye xaaladii dadka degaamdaaasina ay u danbaysay sidii waraabihii wax soo doontay ee isagii wax laga deyay. Kuna danbeeyay niyadjab iyo qoomamo aan waxba lagaqaban Karin wakhtigeediina joogin.

 

 

Hadaba hadii aan u soo noqono suaasheenii ahayd Maxaa Dadka Degaamada shidaalka laga baadhayo la gudboon?

 

Waxaynu ku soo kobi lahayn:

 

  1. In la sameeyo gudiyo iyo ururo ka kala socda degaan kasta
  2. In dhamaan ururadaasi isku xidhmaan oo gole guud [hadii magacaas laysku qabsadayna] madal amaba dalad guud samaystaan
  3. In ay qabsadaan qareeno wadani ah o aqoon u leh arrimaha caalamiga ah ee la xidhiidha qodaaldan noocana ah isla markaana ku xidhan bulshada qurbaha eedegaamdaaasi si looga caawiyo wixii aqoon dheeraada iyo macluumaad ay  u baahanyihiin.
  4. In odayada dhaqana iyo dadka degaanku ay bilaabaan sidii ay u yeelan lahaayeen shir joogto ah oo ay sanadkiiba mar ugu dooranlahaayeen gudiyadooda iyaoo markstaba u cusboonaysiinaaya wakhtiga amaba gudi cusub dooranaya amaba qaar ku  daraya qaarna ka reebaaya.
  5.  Waa in nidaamkan iyo talosaarasho ilaahay lagaga gaashaantaa wax alliyaale iyo wixii nusqaan inakaga iman karta howlahan bilaabmay ee shidaal doonka ah.
  6. Waa in la xaqiijiyaa in marka koowaada yana wax dhib ahi inaka soo gaadhin qodaalka shidaalka iyo soo saaristiisa oo nidaama la ay shirkaduhu wataan iyo dariiqa amniguba ay yihiin kuwo laga baaraan degay oo dadka degaankuna ay hogaan a yihiin oo aan looga waramin, martina ayna ka noqonin.
  7. Waa in heshiis run ah laga gala sida kahyraadka la soo saaro loo qaybsanaayo, waana inay cadahay saamiga degaanka, degmada, gobolka iyo qaranka iyo shirkadaha wax soo saarku u kala qaybsanayaan waana in la cadeeyaa cidkastaba cida metelaysa.
  8. Dadka degaanka waa inay metelaan gudiyada la doortay oo ay odayada dhaqanku ka danbeeyaan kana awood badanyihiin.
  9. Waa in la ogaadaa in hadii lagu dhaco qabiil qabiil iyo  reer-reer ay taasi horsed u noqon doonto guul darro baahsan oo umadeena kusoo hoyata. Si looga taxadiro oo looga hortago waa in degaamda oo dhami isku xidhmaan oo si siyaada ka madax banana golayaashoodu u wada shaqeeyaan si ay danahooda guud ee ka dhexeeya isugu taagaan, isga gaashaadan uguna wada guulaystaan waxa ay doonayaan in ay gaadhaan.
  10. Waa in laga taxadiraa daka laga dhex ssamaysaanay beelaha degaankaas deggan ee loo yaqaano dilaaliinta, macaan jecesha iyo dhuuni raaca macnahoodu yahay HADAAN DHERGO IIGU DHAN.