Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa go’aan ku gaadhay inuu musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID ka dhigo Maxamed XAASHI kadib markii isga iyo Jamaal khilaaf soo dhexgalay Jamaalna dhanaba usocon wayey .
Haddaba waxa Faysal soo saaray waraqad usku saxeexan yahay nin lagu magaacabo Sabce oo ku baaqay in la qabanayo shir golha dhexe oo ka kooban koox fyasal tageerta , Maxamed xasshi reerkooda ayaa balan qaday inay bixinayaan wixii kharashaada iyadoo gudida toosinta nimanka ku jiran sida loo qorjeeyay
Maxamed Xaashi musharax madaxweyne
Cali Koore musharax madaxwyne ku xigeen
Ibraahim dhegawyhe ; gudoomiye ku xigeen ucid
Xasan ciise ; xioghayah guud ee Ucid
Iyo Faysaloo isagu ahaanaya Gudoomiye
Haddaba waa kuwan garabka yare e Jamaal oo sida fiinta u qayliyey ;
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) waxa maanta oo Sabtiya oo taariikhduna tahay 31 August, 2013 aan war-saxaafadeedkan u soo saaray in aan ku dedafeeyo war-saxaafadeed lagu baahiyay mareegaha ‘internet’ qaarkood. War-saxaafadeedkaasi oo nuxurkiisu ahaa mid lagu war-gelinaayo xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid ee ku sugan caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa in ay isku yimaadaan shir taariikhdu marka ay tahay15/09/2013. War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexnaa
Xogahayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Ucid Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce).
Haddaba, waxa aan u sheegaynaa mas’uuliyiinta, xisbiyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga Ucid iyo dhamaan ummadda kale ee reer Somalilandba in aanay waxba ka jirin mid la isla ogyahayna aanu ahayn shirkaasi lagu baaqay15/09/2013. Weliba xitaa waxa aan odhan karaa ma aha mid qorshahiisa iyo haabkiisa toona la hayay bisha soo socota ee September iyo ta ku xigta ee Octoberba. Sababta oo ah sida laga wada warqabo marka ay taariikhdu ahayd 12/07/2013 waxa isku biiray oo heshiis kala saxeexday Xisbigii Ucid iyo garabkii Xisbigii Udub ee uu hogaaminaayay aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ah musharaxa Xisbiga Ucid ee Jagada madaxweynahay. Qodobka koobaad ee heshiisku waxa uu sheegaayay “Labada dhinac waxay isla garteen, in tirada golaha dhexe labalaadhiyo oo la dhigo 251-xubnood. Tiradaas waxa loo kala yeelan doonaa: 100 xubnood oo Xisbiga UCID ah, 100 xubnood oo ay yeelan doonaan garabka cusub ee ka yimid UDUB iyo 51 kayd ahaan doona. Sidoo kale, waxay labada dhinac isla meel dhigeen in dhamaan guddi hoosaadyada iyo xoghayayaasha xisbiga ay si siman u qeybsadaan”. Sidaasi darteed, shirka lagu baaqayaa waqtigan waa mid laga leeyahay ujeedooyin iyo dano gaar maadaama lagu guda jiray dhameystirka dhismaha golaha dhexe ee labadii dhinac ee isku biiray oo weli qabyo ah. Qofka ama kooxda shirkan ku baaqdayna waxa uu ka dhigan tahay qof ama dad geel aan dhallin gaawaha u soo cushay.
Ugu denbeyntii, waxa aanu sameyn doonaa baadhitaan lagu ogaanaayo cidii mas’uulka ka ahayd ku baaqida shir gole dhexe oo u muuqda mid garabeysan oo aan la isla ogeyn. Cidii ay ku cadaadana waxa laga qaadi doonaa doonaa talaabo xeerka iyo sharciga xisbiga waafaqsan.
Allah Mahad Leh
Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid.
Cali Xaamud
saayiqle