“Mucaaridada Somaliland Waa Xaasidnimo, Haddii La Yidhaahdo Shidaalkii Ayaa La Soo Saaraya Ninka Mucaaridka Ahi Wuu Naxayaa.” Wasiirka Warancadde

(SM-Hargaysa) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde ayaa Mucaaridada Somaliland ku micneeyay mid xaasidnimo ku lamaan tahay,  wuxuuna Mud: Warancadde ka dhawaajiyay inuu isagu xejin waayay markuu arkay inay Xaasidnimo tahay. Sidaana wuxuu ku sheegay markuu ka hadlaayay garoonka diyaarahada Hargaysa wakhti uu isaga iyo Wasiiro kale ka soo laabteen Waddanka Itoobiya oo ay safar shaqo ugu maqnaayeen. Wasiirka oo arrintaas ka hadlaaya ayaa yidhi.

“Mucaaradnimada Somaliland waxay noqotay xaasidnimo, barigii dhaweyd ee aan degaanka Sanyre ee Gobolka Togdheer u tagay dadkii beenta loo sheegay ee carqaladaha kala horyimi sherkadi hawlaha shiidaal baadhista waday, ayaa waxaan ugu tagay goobtii, niman siyaasiyiin ah oo aan garanaayo. Markaasan ku idhi waar meesha maxaa idin dhigay. Waxay igu yidhaahdeen shidaal laga qodaayo degaanka majiree wax kale ayaa la wadaa.”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yidhi. “Waan yaabay mucaaradnimada Somaliland xaasidnimo ayay noqotay, waanigii anigu xejin waayay. Haddii la yidhaahdo Shidaalkii ayaa lasoo saaraya ninka Mucaaridka ahi wuu naxayaa, hadda waa arrrin  dalkiisu hodan ku noqonaayo.”

Salaanmedia/Hargaysa