Muj: Cali Guray Oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Ku Bogaadiyay Siduu Ugu Guulaystay Inuu Dalka Ku Soo Celiyo Sherkadaha Genel Energy Iyo Ethiopian Airline.

(SM)-Hargaysa) Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ku bogaadiyay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, guusha uu ka gaadhay wadahadalo uu la galay Sherkadii hawlaha shidaal baadhista ka waday dalka Somaliland ee Genel Energy, oo shaqadeedii joojisay bilawgii bishan, iyo Sherkada diyaaraha ee Ethiopian Airline, oo iyana duulimaadyadii ay ku imanjirtay waddanka si kedis ah u hakisay, balse labada Shirkadoodba uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku qanciyay inay dalka Somaliland dib ugu sooo laabtaan hawlahoodiina bilaabaan. Muj: Cali Guray ayaa sidoo kale u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) inuu dhammeystiro wixii ka qabyo ah hawlaha sherkadahaas ee uu Wasiirku soo dhammeeyay, isla markaana wixii qalmaday wuxuu tilmaamay inuu si cad u soo farogaliyo, isagoo shacabkana u soo jeediyay in Madaxweynaha lagu tageero talaabooyinkaas. Sidaana wuxuu ku sheegay Muj: Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Shabakadda ay bulshadu ku kulanto ee Facebook’ga.  Wuxuuna u dhignaa qoraalkaasi sidan.

 “Wasiirka Arrimaha Dibaddu khilaafkii Sherkada  GENEL iyo  kii Ethiopian Airline-ta ba wax wayn ayuu ka soo qabtay, lakiin wax badani waxay  ku xidhan yihii sida halkan wax looga qabto. Labada shirkadoodba tabashooyin iyo dhibaatooyinka ay sheegteen waa in si hagar la’aan ah wax looga qabtaa, waxay jiri karaan duruufo oo aanay  shaqadooda ka wadan karin.  Waxaa markaa  loo baahan yahay in Madaxwaynuhu aanu ka warwareegin cidna ku ixtiraamin talaabooyinka waajibka ee sixitaanka arrimaha ka qaldan maamulkiisa iyo guud ahaan Somaliland waana in lagu taageeraa talaabo kasta oo sixitaan dhaba ah.  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mohamed Biixi-na waxaan leeyahay Jazaakal laahu khayran hawlaha aad soo dhamaysay.”

Salaanmedia/Hargaysa