Ninkii samaha diidaa isaggaa ku daaliye wuu siraaday Siilaanyo!!!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa in dhoweydba socdaalo baaxad weyn ku gaallaa bixinaayey guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, socdaaladan oo madaxweynaha ay ku wadareeyaan ama ku weheliyaan qaybo ka midda Golaha wasiiradda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba, Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa socdaaladiisa si weyn ugu saleeyey, si dhaba ugu kuurgelidda xaaladda dhabtaa ee shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka iyo weliba soo indha indhaynta mashaariic madaxweynahu hore u amray in deegaanadaasi kala duwan laga hirgeliyo, si nolosha shacabku u noqoto mid ka haqab la dhamaan arimaha nolosha aadamaha asaaska u ah ee dhinacyadda kala duwan sidda Caafimaadka, Waxbarashadda, Nabadgelyadda, Dhaqaalaha, Ganacsigga iyo dhamaan dhismaha kabayaasha kala duwan ee adeegyadda Bulshadda oo aad loo casriyeeyey sidda wadooyinka iyo danta guud ee halbowlaha u ah muwaadiniinta reer Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa socodkiisa waxqabadka dalka iyo u kuurgelidda xaaladda dhabtaa ee shacabka ka soo bilaabay Magaalo madaxda Boorama ee Gobolka Awdal oo madaxweynahu mashaariic dhowra halkaasi ka soo furay, isla markaasina kagga qayb galay xafladdo dhowra oo dhinacyadda waxbarashadda heer Jaamacadeed ee gobolkaasi ka socota oo arday badani kagga qalin jibisey jaamacadda Camuud ee magaca weyn, oo dalka ahmiyad weyn iyo taariikh facweyn u leh, isla markaasina si weyn loogga ixtiraamo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo magac iyo manfacba ugu filan dadka deegaankaasi ee reer Boorama. Madaxweynaha ayaa halkaasi reer Boorama ku gudoonsiiyeen Abaal marin buuran oo loola qistiyey horumarka, daacadnimadda, firfircoonidda iyo waayeelnimadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dalka ku hogaamiyey oo cadaalad, midnimo iyo sinnaan balaadhani gun dhig u tahay, isla markaasina muddo kooban dalku hore ugu ruqaansaday barwaaqo iyo bashbash balaadhan oo qiyaas weyn.

Siddoo kale Madaxweynaha Axmed Siilaanyo ayaa orod shan iyo toban jir tow ku siiyey Magaalo Madaxda Gobolka saaxil ee Berbera oo uu mashaariic hore uu u amray furistoodda iyo u kuurgelidda xaaladda gobolka uu indho indhayn iyo xogogaalnimo ugu boqoolay, halkaasi oo uu xadhigga kagga jaray mashaariic dhowra oo hamsami u socodka nolosha shacabka reer Berbera iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wax weyn ka tari doonta maanta iyo mustaqbalka labadaba. Madaxweynaha ayaa

halkaasi uga sii gudbey Degmadda sheikh oo ka midda Degmooyinka magacyadda facaweyn ee guud ahaan jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan dhinaca waxbarashadda iyo xanaanadda Xoolaha oo Somaliland ahamiyad weyn iyo aayatiin culus u leh, madaxweynaha oo halkaasi kula kulmay waxgaradka, aqoonyahanka, cuqaasha iyo shacab weynaha reer sheikh ayaa kagga dhegeystey madaxda Degmadda xaaladda dhabtaa ee deegaanka iyo horumarka dalka sidda Degmadda sheikh ay qayb libaax uga heshay iyo sidda ay uga go,aan tahay reer sheikh in dalkoodda ay kaalinta ugu horaysa ka galaan difaaciisa iyo daryeelkiisa.

Hadaba, markale ayuu madaxweynahu orod ku towsiiyey Gobolka togdheer oo mashaariico dhowra ay ka socdeen oo ay ugu weynaayeen Wadadda isku xidha Burco iyo Hargeysa oo shacabka reer Somaliland iyo dadka deegaankaba mahiimad weyn u leh, isla markaasina dhiskeedda ay iska gaashadeen guud ahaan shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba oo aan loo kala hadhin siddii gacan loogga geysan lahaa oo weliba reer Togdheer ugu feydan lahaayeen ka faraxalashadda hawshan ahmiyadda culus u leh reer Togdheer oo si weyn loogu liibaani doonno, siddoo Xukumadda iyo weliba dadka deegaanka oo runtii wadadaasi si weyn uga faa,iideysan doonna marka la dhamaystiro ee si rasmiya loo furo. Wadadan oo dadka deegaanka dhaqaale iyo dhib yaraan socdaalba ay ka heli doonaan haddii ilaha awoodda lahi ogolaadda dhamaystirkeedda. Hadaba, madaxweynaha oo kormeer hawleed ku soo sameeyey wadadaasi ayaa qaybo hore leh oo ka midda jidkaasi dhagax dhigay, isla markaasina ugu deeqay muwaadiniinta deegaanka agab qalabka dhismahaa oo ka kooba cagaf cagafyo iyo qalabyadda kala duwan ee lagu sameeyo wadooyinka oo hawshaasi si weyn u fududeyn doonna, si loo dardargeliyo oo dhakhso ay ugu dhamaato wadadaasi iinsha allah.

Waxqabadka iyo booqashadda madaxweynahu inataasi uun kuma koobnee waxa uu kale oo ka farxiyey dadka deegaanka reer sanaag iyo nawaaxigga wadadda Ceerigaabo wadhantahay oo tacab iyo tamar badan geliya badanaa siddii ay ugu kala gooshi lahaayeen Burco iyo ceerigaabo oo jid xumo weyn, jarar iyo dhagac intaba ay ku oodantahay wadadaasi, nasaaib wanaag madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa soo nooleeyey yididiiladda iyo yegleelidda wadadaasi oo si dhaba u shaqayn doonta mustaqbalka, laakiin u baahan tacab iyo tamar aad u weyn oo muruq, masax iyo maalba leh, taasi oo looga baahanyahay kow dadka deegaanka, labo shacabka reer Somaliland guud ahaan, iyo madaxda Qaranka ee uu hogaamiyo mudane madaxweyne Axmed Siilaanyo oo balanqaadkaasi sameeyey in sidda ugu dhakhsaha badan hawshani u fusho oo dhibka iyo dhererka wadadaasi la soo uruuriyo waa sidda uu yidhi madaxweynahuye, isla markaasina muddo kooban lagu taggo ceeri.

Mustaqbalka ifaaya ee hogaanka madaxweyne Axmed Siilaanyo intaasi uun kuma koobna ee waxuu kor u qaaday hanka iyo helidda reer Burco garoon diyaaradeed oo si rasmiya dhaashigga yurub iyo Ameerika ay ka soo marsadaan isaggoo aan qalalin inay ka soo degaan Madaarka Burco oo qoraha maqaalkani leeyahay ha loo bixiyo Axmed Ismaaciil Cabdi Jiir ( DUQSI) oo ahaa halgamaa iyo halyey weyn oo taariikh iyo tacliin weyn ku lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaasina ka mid ahaa Siyaasiyiinta waaweyn ee reer Somaliland oo sooyaalka taariikheed ee SNMtii Somaliland dhashay raggii geedkeedda abqaalay ee waraabiyey ahaa, ma nahin Qaran nin qudha leh ee duqsi waxaan u soo qaatay waa nin Xusid iyo xaq dhowrba taariikhdiisu u baahantahay oo meel weyn kagga jira mustaqbalka ifaaya ee reer Somaliland, haddii in uun laysu abaal gudaayo oo waxqabad laysku maamuusaayo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo ayaa furay siddoo kale mashaariic aan la soo koobeyn oo lagga hirgeliyey gobolka Togdheer oo uu ka mid yahay Guri ay isticimaalo doonaan saraakiishu oo loo yaqaanno Miiska Saraakiisha Gobolka Togdheer, arintu si kasta ha ahaatee madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxay noqonayaan kuwo aayatiin iyo dhaxal weyn uga tegi doonna dalkan iyo dadkan reer Somaliland oo hadal waxba ma taree ku hanuunin doonna shacabka iyo madaxda berito sidda wax loo qabsaddo iyo barashadda horumarinta dalka iyo dadka oo runtii maanta Axmed Siilaanyo uu baal cusub u furay oo ku dayasho weyn iyo jidkaasi qaadis mudan hadda iyo hadhowtaba.

Isku soo wadda duuboo shacabka reer Somaliland ayaa si weyn isha ugu haya waxqabadka iyo hanaanka hogaamineed ee Mudane/madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dad badani ku macneeyeen halyey Qaran oo Ummadda uga tegi doonna wax lagu faanno iyo aayatiin wacan, waxayna aad ugu calool sanyahiin heerka hogaamineed ee maanta dalku maraayo oo runtii raggii saxda ahaan gacanta uu ku hayo, isla markaasina waayeel uu u yahay rugcaddaa Siyaasiya oo u sara kacay in taariikh weyn iyo nidaam bisil oo hayinna Somaliland uga taggo, si dariiqaasi uu jeexay ee hufan ummaddu u qaaddo oo lagga dheeraaddo jidadka qodaxda iyo isqabsigga ku dhisan ee caqli xume ummadda had iyo jeer iskagga horkeenno oo ah casru jaahili Somaliland maanta si toosa uga xorowdey oo dib dameer xoogsadey shacabka dib ugu waxyeelayn dooonin marnaba, haddii eebe iidmo.

Hadaba, ninkii samaha diiddaa isaggaa ku daaliye wuu siraaday siilaanyo Somaliland oo qaranku maanta wuxuu marayaa meel celcelis ahaan aad loogu faanno oo ixtiraam iyo cisi weyn ku mutaysatay Xukumadda uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo, waxaanna hubaala haddii hantaaqadda macno daraddaa iyo qayladda aan cilmigga ku fadhiyin ee shacabka lagagga sasinaayo lagga daayo, waxaynu ku gaadhi karaa muddo gaaban horumarka iyo waxqabadka Dubia UAE shan sanno oo qudha sidaasi ugu dhisantay, laakiin waxay u baahanahay in ninka xun ee qaylinaaya ee quusta lagga yahay in aan dheg jalaq loo siin haddii lagu guulaysan waayo in la aamusiiyo oo dadkaagga dhinac ka raac lagu yiraahdo, waayo cay, habaar iyo baala xoofto laguma tartamaayo ee waxaa lagu tartamayaa waxqabad iyo horumar weyn sidda Mdaxweyne Siilaanyo iyo raggiisa mudan ee maanta.

Dalku waa dihanyahay, oo duul wanaagsan ayaa ina daadihinaaya maanta, daryeelka, daacadnimadda iyo dal jacaylku waa midda keentay in maanta horumarkaasi weyn aynu gaadho oo dal iyo dadba aan hagar la,aan ku horumarino. Aynu is weydiinno, hebeloow adiggu maxaad la joogtaa ee kuu foofay sharaf, karaamo iyo milgaha dal iyo dad dhisitaan?

Cabdilahi John
Liverpool
UK