Qallinjabintii Dufcadii 3aad Ee Jaamacadda Eelo iyo Dareenkii Farxadii Lahaa Ee ArdeydiiI Qallinjabineysay

Eelo-Qalin-Jabin-34

Boorama-(SM)Wasiirudawlaha Wasaarada Waxbarasada iyo TacliintaSare oo
ay weheliyaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Xidhiidhka
Golayaasha iyo wafdi balaadhan oo kale ayaa maanta ka qayb galay
qalinjabinta dufcadii sedexaad ee Jaamacada Eelo ee magaalada
Boorama.Qalinjabintan oo ahayd mid si wayn loo maamuusay ayaa waxa ku
qalinjabinayay 75 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala ah
Engineering-ka, Culuunta Kumbiyuutarka iyo Tiknoolajiyada, Maamulka
iyo Maariyaynta iyo Maamulka Mashaariicda oo Diploma ah, waxana ay
xafladan oo ka dhacday Hoteelka Ramad ee magaalada Boorama ka soo qayb
galay maamulka gobolka,
kandegmada,culimaaudiin,

waxgarad,waalidiiniyomartisharafkale.

mail.google.com2

Gudoomiyaha Jaamacada Eelo Dr. Maxamuud Xuseen Cige oo halkaasi ka
jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ka waramay heerarkii
kala duwanaa ee ay Jaamacadda Eelo Soo bartay, waxana uu sheegay in
tan iyo aasaaskii jaamacada oo maanta sedex jirsatay isaga carabaabay
in marxalado kala duwan oo gabi ahaanba
lajaanqaadayahormarkaaykutalaabsatayJaamacadumudadaasiayjirtay..
.
Gudoomiyuhu isaga oo la dardaarmaya ardayda maanta Qalinjabisay waxa
uu yidhi “Waxa aad tihiin jiil lagu soo tabcay oo dadaal badan la
galiyay ee ugu horayn ha hilmaamina inaad Eebe u mahad naqdaan oo aad
waalidiintiinii waqtiga iyo dadaalka idin galisayna u baal gudaan,
dalkiina ayaa isaguna idin sugaya oo masuuliyad wayni idinka saaran
tahay, waxana loo baahan yahay inaad habeen iyo maalin u fikirtaan
sidii aad u hormarin lahaydeen oo aad waxla taaban karo oo midho dhal
ah uga soo saari lahaydeen, waxaanad u tihiin jaamacada EELO Safiiro
meelkasta oo aad joogtaan eek u dadaala sidii aad sumcadeeda iyo
sharafteeda u ilaalin lahaydeen korna ugu qaadi lahaydeen
.mail.google.com1
“Kadib markii uu diiwaanhayaha guud ee jaamacada EELO noo soo gudbiyay
darajooyinkii imtixaanaadkiinii u dambeeyay, markaan xaqiijinay
docomintiyadii kuliyadaha shanta ah ee marag furaya inaad hanaankii
waxbarasho ee la idiinka baahnaa soo wada qaadateen, markaan eegnay
qodobada dastuurka Somaliland iyo xeerarka kale ee fasaxaya in
Jaamacada EELO bixin karto shahaadooyin waxaan sifo sharci ah oo
rasmiya madaxda horteeda idinku godoonsiiyey diplomoyinka iyo
digriiyada aad mutaysateen xuquuqdiinana waxa aad kuleedihiin
dalkiina, wixii waajib idinka saaran yahayna idinka ayaa la idinka
rabaa inaad gudataan”ayuu yidhi Dr. Cige.
Eelo-Qalin-Jabin-22
Xoghayaha Guurdita Cabdilaahi Ibraahim Habane oo halkaasi ka hadalay
ayaa hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysay, waxana uu xusay in
Jaamacada Eelo mudada ay jirtay ay ku talaabsatay hormar balaadhan
isla markaana soo saartay arday anfac balaadhan u leh, dalka, sidoo
kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la xoojiyo
tayada dugsiyada hoose dhexe si ayuu yidhi ay kor ugu soo kacdo tayada
ardada Jaamacadaha waxkabarata.
.
Sheekhul Baladka Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar iyo Sul.
Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo iyaguna halkaasi ka hadalay ayaa si
maamuus leh oo bogaadiyay ardayda ka qalinjabinaysa Jaamacadda Eelo,
waxana ay xuseen in ardayda looga baahan yahay inay dalkooda aaminaan
oo ay noqdaan kuwo wax kala soo baxa oo ka
baaqsadatahriibtaiyohayaankakaleeemaantadhalintamushkiladauah.
DSC01000
.
Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee xisbiga WADANI Md.Axmed Muumin Seed oo
isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu bogaadiyay ardayda
qalinjabisay waxana uu yidhi “Way dadaaleen ardayda, waalidiinta iyo
macalimiinta iyo maamulka Jaamacada Eelo, waxa ay soo saareen arday
wax baratay oo tayo leh oo u heelan inay dalkooda
shaqooyinkahelaanwaxnakaqabsadaan”
.
Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Aayar iyo Maayarka Boorama Saleebaan
Xasan Xadi oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa ay xuseen inay aad
ugu faraxsan yihiin qalinjabinta ardaydan Jaamacadda Eelo, waxana ay
tilmaameen inay sharaf u tahay in arday intan dhan ay qalinjabiyaan
iyaga oo maamulka haya.
.
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacadda Camuud Prof. Axmed Cabdilaahi Boqore
iyo Masuul ka socday Jaamacadda Hargaysa ayaa iyaguna xusay in
Jaamacadda Eelo ay ku talaabsatay hormar balaadhan isla markaana ay
xidhiidh xoogan oo dhinaca iskaashiga tacliinta ah leeyihiin
jaamacadahan iyo jaamacada Eelo, sidoo kalena waxa ay bogaadin iyo
waano dhinacyo badan taabanaysa u gudbiyeen ardayda qalinjabinaysay.
.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiirka
XIdhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Tiknoolajiyada Aadan Axmed
Warsame oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa bogaadiyay ardayda
qalinjabisay, waxana ay xuseen in xukuumada ay ka go’an tahay in ay
shaqo abuur iyo dhiiri galin u samayso ardayda ka qalinjabinaysa
Jaamacadaha dalka, dhinaca kale waxa ay hoga tusaaleeyeen ardayda
maanta qalinjabisay waxana ay u tilmaameen in loo baahan yahay in
waxii ay barteen ay dalka kaga shaqeeyaan isla markaana ay sii amba
qaadaan hilinka tacliinta oo ay ku tilmaameen mid maanta uun bilaw u
ah ardaydan.
.
Wasiiru Dawlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Axmed Nuur
Faahiye oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “Maanta waxa aad
tihiin mutacalimiin, ogaada waxa idiin baahan dalkeena iyo dadkiinaba,
noqdana kuwo ku dadaala sidii loo hormarin lahaa, noqda kuwo wax
abuura oo aanan wax loo yeedhinin, kuna xisaabtama inaad wax badan oo
qabyooyin ah oo jira maanta dalka uu waajib idinka saaran yahay inaad
wax ka qabataan”
.
Ugu Dambayntii waxa uu Wasiiru dawluhu halkaasi ku gudoonsiiyay
shahaadooyin qaar ka mid ah ardaydii maanta qalinjabiyay oo ay ku
jiraan gabdho kaalmaha u sareeya iyo kaalmo kale oo muhiim ah ka galay
heerarkii kala duwanaa ee waxbarasho ee ay soo mareen.
Salaanmedia/Boorama