Qandaraaska Bixinta Raashinka Ciidammadda Somaliland Oo Nidaam Sharciga Ka Baxsan Muddo 20-Sano Ah Ugu Xidhan Shakhsiyaad Gaar Ah.

Sep 14, 2013 Hargaysa(SM) – Qandaraaska Raashinka Ciidammada Somaliland, ayaa muddo 20 sano ah wuxuu si ka baxsan nidaamka sharciga Qandaraasyada dawladda ugu xidhan yahay Ashkhaas gaar ah, kuwaasoo qaab kooto ah ugu idman keenista Raashinka Ciidanka.

Qandaraaskan oo ah midka ugu weyn illaa hadda ee dalka gudihiisa dad shicib ahi ka qaatan Xukuumadda Somaliland, ayuu u dhabo-galay Wargayska Somalilandtoday. Xeerka Qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa wuxuu dhigayaa in waxkasta oo ay iibsanayso Xukuumadda Somaliland ama ay qaadanayso dawladdu lasoo mariyo nidaamkaas, iyadoo Guddida Qandaraasyada Qaranku baahin toosa ku samaynayaan hadba wixii ay Xukuumaddu u baahato, halkay ugu danbeyntii qaadanayaan cidda tartankaas ku guulaysata. Sidoo kale wuxuu qodob ka mid ah Xeerka Qandaraasyada Qaranku dhigayaa, haddii uu jiro mashruuc Xukuumaddu si joogto ah ugu baahan tahay, in saddexdii biloodba mar la baahiyo si loogu tartamo.

Qandaraaska qaadashada Raashinka Ciidammadu guud ahaan waa mid baal-marsan qodobbadaas sharci, waxaana sannadkii 1993, oo ahayd markii ugu horreysay ee Ciidammada dalka la Qarameeyo si naas-nuujin ah Xukuumaddii wakhtigaasi u siisay laba qof, in kasta oo wakhtigaas aanay badi dhisnayn shuruucda maanta dalka u taallaa, haddana muu ahayn siinta Qadaraaskaasi mid loo maray xitaa habkii saami qaybsiga Beelaha, oo waagaas ahaa minqiyaaska ugu weyn ee Beelaha Somaliland ay wax ku qaybsan jireen. Iyadoo labada shakhsi ee illaa hadda uu u xidhanyahay mashruucaasi ay isku Beel ka soo jeedaan.

Shakhsiyaadkan ayaa muddadaas 20-ka sano ah waxay ka faa’iideen sidaannu dabo-galkan ku helnay, lacagta dulsaar ahaan Raashinka Ciidammada u saaran caddad xad-dhaaf ah bilkasta, kaasoo gaadhsiisan kummaan kun oo Doollar, iyadoo qofkasta oo Muwaadin ahi uu xaq u leeyahay faa’iido uu ka helo shaqadiisa, isla markaana ay tahay Arsaaq Rabbaaniya haddana waa in loo maraa nidaamka dalka u yaal si loogu sinnaado.

Xukuumadda Xisbiga KULMIYE oo iyadu xog-ogaal u ahayd arrinta Raashinka Ciidammada iyo qaabka ay dadka gaarka ah ugu afduuban tahay, ayaan iyana waxba ka beddelin, waxaana Cimriga u sii dheereeyay Ashkhaastan una fududeeyay sii wadashada hawshooda, labada Wasiir ee u kala danbeeyay Wasaaradda Maaliyadda intii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay, kuwaasoo kala ah Eng: Maxamed Xaashi Cilmi iyo Wasiirka hadda xilkaas haya Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo iyagu ah dhaqaale ahaan halkay hoostagaan Ashkhaastaasi.

Dhawaan mar uu ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Telefeeshinka Qaranka Barnamaijka maqal dadkaaga, wuxuu ka sheegay in Miisaaniyadda ugu badan ee dawladdu ku baxdo Ciidammada iyo ammaanka waddanka, markii Wargeysku xogo ka sii raadiyeyna minqiyaas ahaan inta Raashinka Ciidammada kaga soo hagaagta Miisaniyaddaas, waxaannu ku ogaannay, marka saddex meelood laga dhigo kharashka ku baxa Ciidammada dalka, in laba meelod oo ka mid ahi ay gasho lacagta lagu bixiyo Raashinka Saadka Ciidanka.

Si aannu warar dheerada uga helno qaddiyaddan, waxaannu booqannay xarunta Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Caabbi, xilligaas oo uu ku sugnaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddidaas iyo xubno ka tirsan Boodhka, isla markaana waxaannu Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qandaraasyada Qaranka weydiinnay su’aal ahayd sababta ay Guddi ahaan u baahin waayen Qandaraaska Raashinka Ciidammada, haddii aanay dawladdu kafaalo-qaadi karin, iyadoo sharcigu dhigaayo in saddexdii biloodba mar la cusboonaysiiyo Qandaraaskaas, halka uu cid gaara ugu xidhanyahay muddo 20 sano kor u dhaafaysa.

Waxaanu Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Maxamed Caabbi, ku jawaabay oo uu yidhi; “Nimankaasi (Ashkhaasta raashinka Ciidammadu u xidhanyahay) waxay lahaayeen lacago badan oo dayn ahaa, markii Xukuumadda Xisbiga KULMIYE xilka la wareegtay, waxaana la gartay inay halkii ka sii wadaan inta lacagtoodu u dhammaanayso, sidaas weeye haddaad wax iga weydiisay arrinkooda.” Jawaabta Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranku ka bixiyay mashruucan u afduuban shakhsiyaadka kooban, ayaan ahayn mid sharci ahaan ay ku filantay jawaabtiisu. Iyadoo Xukuumaddu awood u lahayd in shakhsiyaadkaas lacagtooda loo siin karaayay dayn ahaan, waxaana caddayn u ah in Xukuumaddu la wareegtay xaddi lacageed oo daymo tiro badan ahaa, kuwaasoo kor u dhaafaayay 70 Milyan oo Doollar, balse ay dhammaantod dayn ahaan u bixisay.

Si kastaba ha ahaate, Wargayska Somalilandtoday wuxuu idin ballan-qaadayaa ainuu diirka ka qaado caddadyada soo socda Qandaraasyo badan oo dhinac ka raraan, kuwaasoo aanay badi dadku dhaaddanayn

Salaanmedia/ Hargeysa Office
Wargeyska Slandtoday