Qaramada Midoobay Oo Iftiimisay Aragtidooda La Xidhiidha Ujeeddada Wada-hadallada Somalia vs Somaliland Iyo Aqoonsiga Madax-bannaanideeda

Sep 28,2013 Kenya(SM) Madaxa xafiiska UNSOM, Mr. Nikolas Key, ayaa caddeeyey in wada xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomalaiya dib u bilaabi doono dhamaadka bisha tobnaad ee sannadkan oo ku beegan 90 maalmood ka dib Kulankii u gu dambeeyey ee dalka Turkiga ay ku yeesheen ergooyin labada dalka ka kala socday.


Madaxa UNSOM ayaa sheegay inaan weli Somaliland aqoonsi ka helin wadan qaramada Midoobay ka tirsan, beesha caalamkuna aaminsan tahay in xuduudaha Soomaaliya lama taabtaan tahay weli, waxaanu carrabka ku dhuftay heerka xidhiidh ee labada xukuumadood oo uu ku tilmaamay mid jilicsan oo xaasaasiyaddiisa leh.
Madaxa Xafiiska UNSOM ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi oo xog-waraysi dhinacyo kala duwan leh siiyey telefishanka Universal, waxa uu ka hadlay wada-shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiskiisa UNSOM iyo Xukuumadda Somaliland oo uu sheegay inay diidday in xafiiskiisu ka hawl-galo Somaliland, isaga oo ku dooday inuu ku shaqeeyo go’aamada iyo awaamiirta Golaha Ammaana ee Qaramada Midooday,
Mr Nikolas Key oo dhawaan warbixin ku saabsan xaaladda Soomaalida ka jeediyey Golaha Ammaana ee Qaramada Midoobay, ayaa wariyaha xog-waraysiga la yeeshay waxa uu wax ka weydiiyey ujeeddada uu ka lahaa qodob ku saabsan heerka Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia oo uu ku tilmaamay mid jilicsan oo xaasaasiyaddiisa leh, waxaanu ku jawaabay Danjire Key oo faahfaahinayey qodobkaas, “Waa xaqiiq dhab ah, sidaad la socotid, Somaliland muddoba waxay caddeysay una halgamaysaa dal madaxbanaan, muddona ku taagnayd madaxbanaanidaa, inkasta oo beesha caalamku aaminsan tahay midnimada xuduudaha Soomaaliya, taasoo keentay khilaafka xidhiidh ee u dhexeeya labada dhinac iyo weliba xidhiidhkooda beesha caalamka, balse waxaan qabaa inkastoo taasi jirto inuu socdo wada xaajood xukuumadda Turkigu fududeysay oo ay isugu yimaadeen labada dhinac, taasoo hadaanu nahay Qaramada Midoobay taageerayno dedaalkeeda, waxana la filayaa in wareegga xiga dhici doono dhamaadka bisha Oktoobar, isla markaana ah madal labada qolo kaga xaajoon karaan arrimaha faa’iidada u leh, dhowaana aad maqashay inay khilaaf dhinaca hawada ahaa xal kaga gaadheen. Fursadaasi waxay saamaxaysaa inay dhisto kalsooni hadhowna arrimaha mabaadii’da ah kaga wada hadlaan,” ayuu yidhi Danjire Nikolas Key.
Su’aalo: Waxaad ka hadashay fududeynta Turkiga, balse arrinta dadku isweydiinayo waa maadama Somaliland doorashooyin kala duwan oo nabadgelyo ku dhacay soo martay, xasilooni buuxdana ka jirto, sidaad warbixintaada ku sheegtay, doonaysana inay ka madaxbanaanaato Soomaaliya oo dal gooni noqoto, mowqifka xafiiskaaga UNSOM ka taagan yahay madaxbanaani Somaliland dal gaar ah ku noqoto?
J: Dhab ahaan, Qaramada Midoobay iyo xafiiska aan madaxda u ahay ee UNSOM waxa abuuray Golaha Amaanka, xubnaha Golaha Amaanka iyo xubnaha Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa go’aamiya in waddan loo aqoonsado madaxbanaani, ilaa intaan ogahayna weli ma jiro waddan aqoonsi siiyey Somaliland, ama xubin Golaha Ammaanka ka tirsan oo aqoonsi siiyey Somaliland, markaa waxaan ku khasbanahay inaan fuliyo ujeeddada Golaha Amaanku u abuuray xafiiskan.


S: Masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa gaashaanka ku dhuftay in xafiis UNSOM leedahay ka hawlgalo Somaliland, waa ayo dadkaasi?
J: Xukuumada Somaliland ayaa diiday in UNSOM ka shaqeyso, xaga ugu sareysa (Madaxweynaha) ayaa diiday.

Salaanmedia/London