Ra’iisul Wasaaraha Britain oo soo afjaray booqasho uu ku joogay Scotland, kadib weerarka Westgate

 

Uk

Ra’iisul Wasaaraha Britain David Cameron ayaa goor dhow soo afjaray booqasho gaaban uu ku joogay dalka Scotland, gaar ahaan deegaanada Boqortooyada Scotland ee Balmoral, isagoo dib ugu soo laabanaya Xafiiska Downign Street.

Mr Cameron ayaa waxaa uu gudoomin doonaa shir deg deg ah oo looga hadlayo weerarka Nairobi oo Suuq ganacsi lagu magacaabo Westgate Mall ay ku qaadeen sabtidii Dabley hubeysan.

Ilaa saddex muwaadiniin British ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkaas, iyadoo tiro kale oo muwaadiniin reer galbeed ay ku dhinteen weerarka maalintii saddexaad ka socda dhismaha Westgate.

Britain ayaa sheegtay inay ka taageereyso Kenya la dagaalanka Argaixisada, iyadoo wali ciidamadeeda ay la hardamayaan kooxaha heysta dhismaha Westgate oo la sheegay inay dad afduub ahana u heystaan.

Britain oo horay u gumeysatay Kenya ayaa dano badan ku leh dalkaas, iyadoo horay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan dalkaas, meelo ka mid ah Kenya ayaa waxaa tababaro ku qaata Ciidamada Britain, kuwaasoo saldhigyo ku leh.

Howl galka maalintii 3aad ka socda dhismaha Westgate Mall ayaa muujinaya is mari waa u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo dableyda Hubeysan ee ku jirta dhismaha, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah.

Salaanmedia/London