Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon”Saacid” iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay oo Khamiis ahayd, 26 September 2013, waxaa ay kulan ku wada qaateen magaalada Ankara ee dalka Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax shirdoon”Saacid” iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xalay oo Khamiis ahayd, 26 September 2013, waxaa ay kulan ku wada qaateen magaalada Ankara ee dalka Turkiga iyadoo ay wehelinayeen xubno muhiim ah oo ka kala socday Xukuumadaha labada dal ee walaalaha ah, Waxaa sidoo kale kulanka ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Turkiga Mudane Bekir Bozbag.
970362_10151862447336730_1692201812_n
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadnaqay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xilli aad loogu baahnaa kaalmada caalamka. Waxaa Ra’iisul Saacid uu sheegay in gurmadkii ay Turkigu u fidiyeen Soomaaliya ay sabab u noqotay in uu sii xoogaysto xiriirka u dhexeeya labada dal.
“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugusoo kaban lahayd oo ay xasilooni u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan siyaasadda iyo dhaqaalaha” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu caddeeyay in dawladdiisu ay ku talaabsatay horumar balaaran tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan uu soo booqday Soomaaliya bishii Auguts 2011. Waxaa Ra’isul Wasaaruhu dhanka kale sheegay in wali ay jiraan caqabado aad u fara badan, waxaa caqabadahaasi kamid ah argagixisanimada, isagoo tusaale usoo qaatay weerarakii fulaynimo ee kooxda argagixisada Al-Shabaab ay ku qaadeen Safaaradda Turkiga 27-kii July 2013 iyo kii ugu danbeeyay ee Argagixisadu ay ku qaadeen dhismaha Westgate Mall ee Nairobi. 
Waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ay uga tacsiyeeyeen dawladda iyo shacabka Kenya weerarkaasi argagixisada ahaa ee lagu qaaday Westgate Mall. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu sheegay in weerarkii lagu qaaday safaaradda Turkigu aysan ahayn oo kaliya weerar lagu qaaday shaqaalaha rayidka ah ee turkiga bale ay taasi lamid tahay in weerar lagula kacay shacabka Soomaaliyeed iyadoo danta laga leeyahay ay tahay curyaaminta mashaariicda horumarineed ee dawladda iyo shacabka turkigu ay u fidiyeen walaalhooda Soomaaliyeed.

 

 Salaanmedia/Mogdisho