Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku Tagay dalka Djibouti

IMG_0155

Djbouti, September 6, 2013—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaaladda Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti isagoo kasoo duulay magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha Djibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “ Guulwade” iyo Mas’uuliyiin kale oo Dawladda Djibouti ka tirsan.

IMG_0151

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ku sugan Djibouti oo ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga , Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka waxaa dalka Djibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Djibouti qaar ka mid ah, waxaana laga wada hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti oo arimo badan aan iska kaashan doonno sida Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga” ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Dhanka kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa booqashadan rasmiga ah ee dalka Djabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dalka Yemen.

IMG_0113

Ra’isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa ku soo sagootiyay Garoonka Caalamiga ah ee magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga Wasiirka Xajka iyo Awqaafta ee Sucuudiga Mudane Bandar Xijar iyadoo Ra’iusl Wasaaruhuna uga mahadnaqay Boqortooyadda Sucuudiga kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa Ra’isul Wasaaruhu uu uga mahadceliyay hanaankii qiimaha badnaa ee Boqorooyaddu ay ugu soo dhoweysay magaaladda barakaysan ee Maka oo isaga iyo wafdigiisu ay ku guteen Cumrada.

Intii uu Ra’isul Wasaarahu ku sugnaa Dalka Sucuudiga waxaa Xukuumaddu ay heshiisyo la saxiixatay Bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadani ay isugu jiraan mashaariic dag dag ah iyo qorshayaal socon doonaa 7-da sano ee soo socota , kuwaasi oo lagu hormarinayo Adeegyadda Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tayaynta Hay’adaha Dawladda iyo soo noolaynta mashaariicdii Bankigu ka fulin jiray Somaaliya.

 

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya

Djibouti

Email: Ridwaanhaji@gmail.com