Sawiro: Mesut Ozil Oo Markii Ugu Horeysay Yimid Kooxdiisa Cusub Arsenal.

Waxaa Qoray: 

Taariikh: 11-September-2013

article-2417854-1BC35F73000005DC-7_634x367.jpgIn koox cusub la saldhigto waxa ay mar walba dhib ku noqotaa ciyaartoyda, laakiin hadii la qiimeynayo muuqaalada laga arkay Mesut Ozil si dhaqso ah ayuu u la qabsan doonaa Gunners, sidaasi waxaa tiri Daily Mail.

Ozil ayaa ka soo laabtay ciyaaraha heerka caalami ee uu u ciyaarayay xulkiisa Jarmalka, waxaana uu markii ugu horeysay yimid xarunta Arsenal tan iyo markii uu ku soo biiray maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Xiddiga Jarmalka ayaa magaalada Munich tijaabada caafimaadka ugu maray Arsenal, halkaasoo sidoo kale lagula sawiray maaliyada Arsenal islamarkaana website-ka kooxda uu wareysi gaar ah uga qaaday.

Laakiin maanta ayuu soo cagadhigtay xarunta tababarka Arsenal ee London Cloney, isagoo sawiro la galay qaar ka mid ah asxaabtiisa cusub sida Oxlade-Chamberlain iyo Lukas Podolski oo dhaawac ah.

 

 Saxiixa cusub ee Ozil waxa ay la micno tahay in Arsenal ay heysato kubadsameeye kale oo khadka dhexe ah ka dib Jack Wilshere, Aaron Ramsey, Tomas Rosicky iyo Alex Oxlade-Chamberlain.

article-2417854-1BC35E12000005DC-433_634x528.jpg

article-2417854-1BC3601B000005DC-152_634x423.jpg