Shacabka Oo Meel Adag Iska Taagay Xeerkii Madaxtooyada Ee Ay Goluhu Ansixiyeen Xildhibaanadii U Codeeyayna Ku Tilmaamay Khaayimiin

Sep 25,2013 Hargaysa(SM) Shacabka reer Somaliland ayaa meel adag iska taagay xeerka ay madaxtooyadu soo curisay ee ay shalay Golaha wakiilada Somaliland qaalinka ku duugeen,ee loogu magacdaray xeerka takaaliifta horu marinta wadooyinka ,kaas oo jidaynaya lacago cashuuraysan oo lagu soo rogay shacabka Somaliland,oo culays dhaqaale ku soo rogaya bulsho marka horeba uu ragaadiyey sixir barar aad u xun oo aan cidna ka hadlin. oo maanta rayi ururin ka dhex samaysay shacabka reer Somaliland ee ku nool caasimada Hargeysa ayaa dareen cadho ku dheehantahay ka muujiyey xeerkan isla markaana dhaliil kulul u jeediyey Golaha wakiiladdda Somaliland oo ay ku tilmaameen khaayimiin aan matalin iyaga ee eeganaya dantooda gaarka ah iyo buuxinta calooshooda,xukuumadda uu madaxwayne silanyo hogaaminaya ku tilmaamay mid dadka aan u tudhay balse iyadu jeebabka ka buuxsanaysa cashuurta danyarta laga ururiyo,mid ka mid ah dadkii aan maanta rayigooda waydiinay waxa uu yidhi”waxaan u arkaa xeerkan mid sharci daro ah oo ka soo horjeeda dastuurka jamhuuriyadda somalilnd isla markaana uu ku danaysanyo wasiir xirsi ,waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa shacabka reer Somaliland xildhibaanadii ay doorteen waxaan leeyahay waakuwaa xildhibaanadii aad doorateen”ayuu yidhi aabe Aabe Cali Faarax Nuur oo ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimada Hargeysa.
Waxa uu intaasi sii raaciyey oo uu hambalyo u diray sideedii xildhibaan ee shalay ka baydhay dariiqii laaluushka ka dhiidhiyey dhinta uu shacabkii soo doortay xeerkani u leeyahay waxanu yidhi”waxaan halkan hambalyo qaaliya uga dirayaa xildhibaanadii aan shalay gumoobin ee aan lacagaha laaluushka ah qaadan ee door biday danta shacabkii soo doortay waxaan leeyahay waa ay idiin ogyihiin shacabkii idin soo doortay” ayuu yidhi .
Si kastaba ha ahatee xeerkan waxa hore si adag uga soo horjeestay xisbiyada mucaaridka Somaliland oo sheegay in uu kalifaad ku noqonayo shacabka danyarta,balse shalay markii ay Golaha wakiiladdu ansixiyeen xeerkan oo ay xukuumaddu dabada riixaysay
La sheegayna in ay lacago ku kharashgaraysay ayaa waxa isla xalayba qalinka ku duugay oo dhaqan galiyey madaxwayne silanyo.

Salaanmedia/Hargaysa