Shirka New Deal oo la soo gaba gabeeyay iyo Soomaaliya oo loogu deeqay 862-Milyan oo doolar (Sawirro)

Shirkii New Deal ee Hiigsiga cusub ee Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium, iyadoo shir jaraa’id ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxa Arrimaha dibada Midowga Yurub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherine Ashton oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa sheegay in shirkan uu ku soo dhamaaday guul, iyagoo ku dhawaaqay lacagta ay dalalka reer Yurub ugu yabooheen dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta loogu yaboohay Soomaaliya ay gaareyso ilaa 1.8bn oo Euro, isagoo tilmaamay in lacagahaas ay ku bixi doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shirkan uu ka duwanaa shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaaliya, isagoo tibaaxay in balan qaadyada lacageed lagu saleeyay baahida iyo muhiimada ay soo bandhigeen dadka Soomaaliyed, kadib saddex bilood oo wada tashi socday laga soo uruuriyay guud ahaan dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagta loogu yaboohay ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in la sameeyay qaab lagu maamulo lacagta, dowladda Soomaaliya iyo dalalka bixinayana ay hogaamin doonaan maamulida lacagta loogu yaboohay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagtan loogu tala galay in sedaxda sano ee soo socota wax looga qabto adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada,caafimaadka,ammaanka,cadaalada,dib u heshiisiinta,iyo dib u dhiska nabadda.

Waxaa uu sheegay in in la isla meel dhigay qaabkii lagu daba gali lahaa in la helo lacagtasi la balan qaaday,isagoo sheegay in la sameeyay gudi daba gal ku sameeya balan qaadkii lacageed ee la sameeyay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, inay is kaalmeeyaan, maadaama beesha Caalamka ay muujisay sida ay u garab taagan tahay, isagoo ku booriyay in la joojiyo khilaafaadka iyo far isku fiiqida.

Shirkan oo ahaa hal maalin ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana ka qeyb galay maamulada dalka ka jira, ururada bulshada rayidka iyo mas’uuliyiinta hey’adaha dowladda Soomaaliya.











Salaanmedia/Mogdisho