Shirkadda Diyaaradaha Ee Ethiopian Airlines Oo Si Rasmi Ah Duulimaadyadeedii Uga Bilowday Madaarka Diyaaradaha Hargeysa

(SM-Hargeysa) – Madaarka Caalamiga ah ee Egaal International Airport ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo caga dhigatay diyaarad Jet ah oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dalka Itoobiya.

Diyaaraddaha shirkadda Itoobiya oo aan madaarka caalamiga ah ee Cigaal soo caga dhigan muddo afar sanadood ah, ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday duulimaadyadeedii joogtada ah ee ay isaga gooshayso Magaalooyinka Hargeysa iyo Addis-ababa.

Diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa waxa bilowga duulimaadyadeeda ka hadlay Wasiirka Wasaaradda duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu soo dhaweeyay in diyaaraddani duulimaadyo ka bilowdo Madaarka Cigaal oo dayactir balaadhan lagu sameeyay dhabbihiisa diyaaraduhu ha haadaan ama ka soo fadhiistaan.

Salaanmedia/Hargaysa