Shirkadda Somtel oo xafiis cusub oo shaqooyin kala duwan qabanaya ka furatay xaafadda Gol-jano ee degmada 26 Juune Gaar ahaana Is-goyska Togdheer ee magaalada Hargeysa

somtel

Hargeysa(SM)Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayey furitaanka xafiis cusub oo bixindoona dhamaanba adeegyada kala duwan ee Shirkadda Somtel ayaa laga furay isgoyska Togdheer ee xaafadda Gol-jano ee degmada 26 june ee magalaada Hargeysa,munaasibaddan oo si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb-galay Madaxa-hawlgalinta ee Shirkadda Somtel Axmed Cabdullaahi Caynaanshe,madaxa Iibka Iid Muuse Muxumed,Madaxa xidhiidhka dadweynaha Khadar Cabdiraxmaan Cabdilahi [khadar case] iyo saraakiil kale oo ka socotay isla xafiisyada kala-duwan ee shirkadda Somtel.

dhanka kalana madasha xafladdan waxaa ka soo qayb-galay dadaweyne kale oo ka socday bulshada rayidka ah waxaana kamida ahaa Khadra Kaliil Cabdi oo ah gudoomiyaha ururrka SOCSA iyo odayaal kale oo uu ka mid ahaa Oday Axmed Raan,furitaankii xafladan waxaa  Aayado Qur’aan ah ku furay C/qadir Iid Salaan,intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay madaxa xidhiidhka dadweynaha Khadar Cabdiraxmaan waxaanu sheegay inay shirkaddu dadweynaha xaafadda Gol-jano iyo guud ahaanba dadweynaha ku nool  magaalada Haregeysa oo dhan u furtay Xarun Cusub oo ay ka heli karaan dhamaanba Adeega Somtel Bixiso”daweynaha xaafadda Gol-jano waxaanu leenahay shirkadda Somtel waxay idiin furtay xafiis cusub oo si fiican u qalabasyan oo aad ka heli kartaan dhamaan adeegyadii kala-duwanaa ee aad uga baahnaydeen shirkadda Somtel isla markaana Aad ku bixin kartaan biilasha” ayuu yidhi Khadar Case.

waxaa isaguna madashaa ka hadlau madaxa Iibka shirkadda Somtel Iid Muuse Muxumed waxaanu sheegay inay shirkaddu soo dhaweynayso dhamaan dadweynaha ku xidhan adeeggyadooda ay bixiyaan “shirkaddu waxay xafiiskan ugu talo gashay inay dadka degan degmada 26 jume gaar  ahaan xaafadda Gol-jano waxaanay shirkadu had iyo jeerba u taagantay inay ka jawaabto baahiyaha dadweynaha waayo waxaanu ogaanay baahida ay dadka xaafaddani u qabaan inaanu xarun uga furno halkan si ay uga helaan adeeggyadii ay uga baahnaayeen Somtel” ayuu yidhi.

waxaa iyana madasha xafladdaas ka hadashay Khadra Kaliil Cabdi waxaanay ka warantay  qiimaha uu xafiiskani u leeyahay ka jawaabidda baahiyihii bulshadu ay dareemayeen inay ka maqanyihiin,dhanka kalana Ms Kaliil waxay sheegtay inay ka SOCSA ahaan si fiican ugu xidhanyihiin xafiiskoodu adeegga shirkadda Somtel,waxaa isaguna madashaa ka hadlay gudoomiyaha xaafadda Gol-jano Oday Axmed Raan waxaanu ka sheekeeyay qiimaha ay ka xaafad ahaan ugu fadhido in xaafadda Gol-jano looga furay xafiis qalabaysan oo Casri ah xaafadda kaas oo noqonaaya kii ugu horeeyey ee ay xaafadda ka furtaan dhamaan shirkadaha isgaadhsiinta oo dhan waxaana nasiibkaas iyo jaanis kaas heshay Shirkadda Waddaniga ah Ee Somtel. “annaga waxay saaka nootahay sharaf weyn inay shirkadda Somtel nooga furtay xafiis cusub xaafadda Gol-jano waayo shaqaalihiina waanu yeelanaynaa adeeggiina way noo soo dhawaysay” ayuu yidhi Odayga xaafada Goljano Axmed Raan.

gaba gabadii xafladda furitaanka xafiiska cusub ee Togdheer ee shirkadda Somtel waxaa ka hadlay madaxa hawl-galinta Shirkadda Somtel Axmed Cabdilaahi Caynaashe waxaanu ka warramay tayada adeeggyada ay bixiso shirkadda Somtel taas oo laga dheehan karo sida fiican ee loo qalabeeyey xafiiskan cusub kaas oo ay dadweynuhu ka helikarayaan dhamaanba wixii adeega ahaa ee ay uga baahnaayeen inay meelo kale u aadaan dadka xaafadda Goljano Degan.

dhanka kalana Mr Caynaanshe waxa uu ka hadlay arrimaha ay shirkadda Somtel inta badan ba ku foogan tahay oo ah inay ka jawaabto hadba halka ay ka muuqato daboolidda baahida xagga adeegga is gaadhsiinta la xidhiidha sidaa darteed ay shirkaddu mar hore dareentay baahida dadweynaha xaafadda dagan “shirkaddu waxay dareentay baahida ka jirta adeegga dadweynaha waxaanay shirkaddu iyada oo ka jawaabaysa dareenka dadweynaha iyo baahida ay u qabaan adeegga shirkadda Somtel Aanu uga furray xaafadan Goljano xafiiskan oo sida Aad aragtaan loo qalabeeyey si casriya” ayuu yidhi Axmed Cabdullaahi Caynaanshe madaxa hawlaha shaqada shirkadda Somtel.

Mr Caynaanshe waxa uu sheegay inaysan hawlaha dardar galinta shirkadda Somtel iyo furitaanka xafiisyo noocan oo kale ah  oo ay furidoontaa ku ekayn kan oo kaliya balse ay dhawaan furidoonaan xafiisyo kale oo sidan oo kale u qalabasyan “hawlaha ay shirkadu waddo kuma ekaan doonaan xafiiskan oo kaliya balse waxaa noo qorshaysan inaanu xaafaddan iyo kuwo kale ka furidoono xafiisyo sidan oo kale u qalabaysan oo ay dadweynuhu ka helidoonaan dhamaan adeeggyadii kala duwanaa ee ay uga barteen shiradda Somtel” ayuu yidhi Axmed Cabdullaahi Caynaanshe,kadibna waxaa xafiiska cusub ee xaafadda Goljano oo ku yaalla Isgoyska caanka ah ee Togdheer xadhiga ka jaray Gudoomiyaha Xaafadda Goljano Axmed Raan iyada oo ay hareeraha ka taagnaayeen masuuliyiinta shirkadda Somtel.

Sida aynu la wada soconay shirkadda somtel mudooyinkii u dambeeyay waxay ku hawlanayd balaadhin iyo xarumo cusub si ay Macaamiisheeda guryahooda ugu gaadhsiiso adeega shirkadda Caalamiga ah ee Somtel.