Shirkii wada-tashiga Hiigsiga Cusub ( New Deal) oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey

Shirkii wada-tashiga Hiigsiga Cusub ( New Deal) oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey

DSC_0115

Muqdisho, 05, Sep, 2013…. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta qaranka mudane Abuukar Shiikh Cabdi  Ibraahim ayaa maanta soo xiray shirkii wada-tashiga barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo saddexdii maalmood ee ugu dameeyey ka socday magaalada Muqdisho. Xubnaha ka qayb-gelayey shirkan ayaa maanta ansaxiyey qorshaha  dowladda Soomaaliya la hor-tegeyso shirka Brussels, kaddib markii ay talooyin muhiim ah ku biiriyeen.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay laamaha dowladda,xubno ka socday gobolada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, waxaana qorshuhu ahaa in dadweynuhu ay aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan qorshaha lala hor-tegayo shirka 16-ka bishan ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasi oo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah.

“Barnaamijka Hiigsiga Cusub waxaan soo wadnay dhawrkii bilood ee ugu dameeyey, waana meesha uu dalkani iska bedelayo, waxaana fikirkaan ka dhashay wada-tashigii dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dadweynaheeda. Kulamaddi aan la yeelanay  bulshada waxaa ka soo baxay natiijo yididiilo leh oo astaan u ah  soo-kabashada dalkeena. Waan ka mahadcelinaynaa dukumiintigan aad noo ansixiseen, dowladduna waa ay tixgelinaysaa taladiina, runtii marag ayaad ka ahaan doontaan meesha lagu bixiyo dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya kaas oo si xaq ah loo qaybin doono” ayuu  yiri Wasiir Abuukar Shiikh Cabdi

DSC_0153

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa dhaqaale toos ah lagu siin doona dalka Soomaaliya, si  dhinacyada mudnaanta kowaad u leh qaranka loogu aadiyo deeqaha laga helo beesha caalamka, iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado waxtarnimada deeqaha shisheeye ee dalkeena.

Shirarkan oo mudooyinkii u danbeeyey ka socday qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa lagula tashanayey bulshada qaybaheeda kala duwan, si ay ugu biiriyaan fikirkooda qodobada xukuumadda Soomaaliya la tagayso shirka bishan ka dhici doono Brussels. Gabagabadii kulanka ayaa ka qayb galayaasha shirku waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodabadii ay ka doodayeen sedexdii maalmood ee ugu danbaysay.

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the Prime Minister

Mogdisho-Somalia

Media@opm.gov.so