SHIRWEYNIHII XUSBUL XAAKIMKA KULMIYE MINNESOTA OO MAANTA QABSOOMAY

Monday, September 16th, 2013 | Posted by 

Kulmiye

SHIRWEYNIHII XUSBUL XAAKIMKA KULMIYE MINNESOTA OO MAANTA QABSOOMAY

SHIRWEYNIHII  SANADLAHA AHAA EE  XUSBUL XAAKIMKA KULMIYE  MINNESOTA   USA  OO KA  QABSOOMAY  MAALINIMADII  AXADA  ,09/15/2013,

SHIRKAAS OO U QABSOOMAY  SIDII LOOGU TALA GALAY  KADIBNA WAXA GOOBTAAS LAGU SOO DOORTAY  GUDOOMIYAHA CUSUB EE XUSBIGAASI HAGI DOONA SANADKA SOO SOCOTA  ( ABDULLAHI  BULLAALE ) XAFLADAASI OO KA DHACDAY MAGAALOOYINKA MATAANAHA LOO YAQAAN EE XARUNTA U AH MINNESOTA, USA, 
 
Kadibna waxa halkaasi khudbad meela badan taabanaysa ka jeediyey gudoomiye Abdullahi Bullale halkaasi oo uu ka iftiimiyey inuu waxbadan ka bedeli doono siyaasda guud ee Kulmiye Minnesota, iyadoo uu ka dhawaajiyey inuu sida ugu dhakhsaha badan u furi doono xafiiskii guud ee xusbigaasi laga maamuli lahaa kuna sheegay shirkaas inuu dardar badan gelin doono qaabdhismeedka hawlaha xusbigaasi, 
 
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka dhawaajiyey inuu soo qaban doono shirar is daba jooga oo ayaamaha fooda inagu soo haya, si loogu doorrto shirkaasi gudoomiye ku xigeen iyo gudida fulinta ee xusbigaasi wuxuna is dultaagay gudoomiyuhu inuu dhamaan u mahad celinayo xubnaha xafladan soo abaabuley iyo dhamaan dadkii ka soo qayb galay ee xusbigaasi iyo dhamaan marti sharafta kaleba , 
 
Gudoomiyuhu wuxu doorashada dabadeed ka hadlay inuu waxka qaban doono ( SDomaliland Cummunity Of Minnesota oo ay ka muuqato waxyaalaha naafeeyey inay ugu horayso nidaamka axsaabta qaran iyo groupsysiga , arintaana wuxu ka tilmaamay inuu isu soo dhowayn doono dhamaan axsaabta qaranka ee wada degan Minnesota State marka loo eego arimaha danta guud ee inala soo gudboonaada waa siduu hadalka u dhigaye,
 
Hadaba iyadoo ay hore usoo dhici jireen doorashada Kulmiye Minnesota ayaa maanta waxay si weyn uga duwanayd qaabkii hore ee ay u dhici jireen sanadihii ina soo dhaafay, waayo doorashadani waxay kaga duwanayd kuwii hore  iyadoo ay jireen Murashaxiin badan oo u tartamay jagadan gudoomiyaha xusbiga kulmiye ee Minnesota, si kasdtaba ha ahaatee tirada  murashaxiinta jagadan ayaa waxa isu soo sharaxay  inka badan Afar musharax , iyadoo ay jireen inay laba ka mid ahi bixiyeen tanaasul, halka ay labadii ugu danbeeyey kukala hadheen cod aqlabiyad oo u dhacay sidii ay somaliland ku soo caana maashay,
 
Hadaba dhamaan musharaxiintan ayaa muujiyey qaab ay ka muuqato Dimoqradiyad aad u heer saraysay, iyadoo ay gacmaha iswada saareen balana ku qaadeen inay si fiican u wada shaqayn doonaan, waxana madashaasi ka muuqatey qaab farxadeed iyo muwaadinimo leh, kadib markii uu jawigu isu bedeley salaan iyo gacan qaad ay ku dheehan tahay farxadi, marka loo eegi ololihii soo dhex maray saaxiibo ku hirdamaayey kursigaas mudo haatan ku dhow lixdan maalmood,
 
Gebagebadii iyo gunaanadkii waxa iyaguna goobtaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenkii hore ee xusbiga kulmie Mr Saleebaan  oo halkaasi xudbad meela badan taabanaysa ka soo jeediyey iyo weliba talooyin, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Dr jama Hirad oo isagu hore usoo qabtay jagadaasi kana waramay arimo muhiim ah , waxa kaloo halkaasi ka hadlay xubnaha gudida qabanqaabada doorashadan oo ay ka mid ahaayeen, 
Xildhibaan Ali salad Dhamac
Oday  Cumar xaashi
Iyo Dr Abaayo
 
Hadaba waxay dhamaan Xusbul xaakimka Kulmiye Minnesota Hambalyo u dirayaan Ugu horayn Madaxweynaha  Jamhuriyada Somaliland Ahmed Mohamed Mohamud iyo Marwdiisa Amina Weris iyo dhamaan umada ama shacabka somaliland gudaha iyo dibada, waxanu leenahay SOMALILAND GUUL GOBANIMO, wAXANU DHAMAAN SHACABKA SOMALILAND FARAYNAA INAY GACMAHA IS QABSADAAN WAAYO MAANTA WAXA AAD UMUUQATA CADAAWAD BADAN IYO ISBAHAYSI KA MUUQDA CADAWGII SOMALILAND, Sidaa darteed waxaynu kaga baxaynaa inagoo isku duubnaana, wabilaahi towfiiq,           Qalinkii  Xildhibaan ( Haybe Hallac.)