(SUBXAANALLAH) DAAWO Gabadh Wadaad Ah oo Sixun Loo Kufsaday & Ninkii Kufsaday oo Mucjiso Qabsatay( Fadlan Hadii aadan Awoodin Ha daawan Murugadaan)

(SUBXAANALLAH) DAAWO Gabadh Wadaad Ah oo Sixun Loo Kufsaday & Ninkii Kufsaday oo Mucjiso Qabsatay( Fadlan Hadii aadan Awoodin Ha daawan Murugadaan)

Sep 10, 2013 

gabadh kufsi

Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka.
Qisadaan ayaa noqotay mid dareen iyo qiiro badan ku abuurtay qof walboo Muslim ah oo akhristay..
Gabadh aad u Qurux badnayd, Hanaan Wacana Ilaahey ku Maneystay ayaa waxaa la Sheegay inuu aad uga Helay Nin ay meel isku Arkeen, Ninkii ayaana aad ula Yaabay Gabadhaan Quruxdeeda iyo Qaabka Ilaah u Sameeyay…
Sidoo kale Ninkaan ayaa isku dayay inuu Gabadhan Xiriir la Sameeyo, si uu ula Sheekeysto, balse marar badan ayey ku Gacan Seydhay, Iyado ka diiday inuu Hadal la Furto. Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan.
Balse Adoonta Ilaahey ku Xidhan, Quruxdana lagu Maneystay ayaa Go’aankeeda ku Adkeysatay, iyadoo Fursad dhan u Diiday inuu Ninkani usoo Dhawaado.
Ninkii ayaa Go’aansaday inuu Kufsado Gabadhan, oo uu Xoog wax uga Qaato, maadaama uu Xeelad wax uga waayey, wuxuuna Xoogay Gabadhii oo aan Raali ka aheyn, wax walbana Qasab ayuu uga Qaatay,
Balse Arinka la yaabka leh ee Qalbigaaga Dhaqaajin doona ayaa ah Arinka ay Gabadhani ku Dhaqaaqday intii uu Ninkani Howshiisa watay.
Gabadhan ayaa Aragtay in Ninkani uu ka Xoog badiyay, wax ay sameyn kartaana aysan jirin, waxeyna ku Fikirtay waxa ugu Dhow ee Gacanteedu Gaadho iney soo Qabsato, balse Sheygii ugu Dhawaa ayaa Noqday Dab shidan oo meel Agteeda ah yaalay.Waxeyna Gacmaha la Gashay Dabkii ayadoo Gacmaheeda u Badheedhay iney Gubto.

 

Ninkii ayaa Howshiisa Dhameystay, balse markuu ka Istaagay ayuu la Yaabay Ficilka ay Sameysay Gabadhu iyo Sababaha ku Dhaliyay iney is Gubto, waxuuna Weydiiyay Maxaa Sababay?
Waxeyna ugu Jawaabtay:- Markii aan Arkay inaad iga Awood Badisay, oo aanan Heynin Waddo kale oo aan isaga kaa Celiyo, waxaan Go’aansaday inaan Gacmaheyga Gubo, si aanan kuu Dareemin waxa aad igu sameynayso, Danbigana aanan Kuula Wadaagin.

Salaanmedia/London