Suldaan Maxamed Suldaan Bare Warsame Shire Oo Lagu Caleema saaray Magaalada Hargeysa.Eeg Sawirada

Caleema saarka suldaanka

Suldaan Maxamed Suldaan Bare Warsame Shire Oo Lagu Caleema saaray Magaalada Hargeysa.Eeg Sawirada

 

Hargeysa ,Sulaan Maxamed Suldaan bare Warsame Shire ayaa Maanta Lagu caleema saaray Magaalada Hargeysa Munaasabad Balaaladh Oo Xafl;ad Caleema saarka suladaanka ah ayaa lagu Hotel Kaah ee Magaalada Hargeysa.

Xaflada Caleema saarka Suldaanka Cusub ayaa Ka danbaysa kadib markii uu aabahii alle ha u maxariistee suldaan Barre warsame shire uu dhawaan ku geeriyooday gudaha dalka ayaa kadib Suldanadii uu ka geeriyooday Marxuumku maanta loo caleema saaray inankiisii oo xilkaa hayn doona ahna Suldaan Maxamed suldaan barre warsame shire.

Xaflada caleema saarka ayaa waxaa kasoo qayb galay Salaadiin Tiro badan oo ka kala yimi Guud ahaanba gobolad iyo magaalooyinka Somaliland Sidoo kale waxaa waxaa caleema saarka suldaanka kasoo qaybgalay Cuqaal siyaasiyiin culima awdiin Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka hargeysa, aqoonyahan haween dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo mugleh.

image

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiray oo ah suldaanka guud ee beesha ayaa ugu horayn hadallo dardaaran iyo duco ah ka jeediyay madasha caleema saarka suldaanka cusub kaasoo kula taliyay inuu ku sifoobo inuu marro dariiqii aabahii oo ahaa nin suldaan qaran ah isla amrkaana uu la shaqeeyo xukumada iskana ilaaliyo waxyaalaha wax u dhimaaya karaamada iyo xilka suldaanimo ee hayo.

Sidoo kale Xubno badan oo katirsan salaadiinta magaca iyo mamuuska ku leh Somaliland ayaa iyana goobtaa kasoo jeediyay hadalo dardaaran iyo duco isugu jira oo iyagoo alle uga baryay Suldaankii Geeriyooday ee suldaan barre warsame shire uu naxariistii janno siiyo inanka uu dhalay ee noqday suldaanka cusubna xilka loo dhiibay innuu alle u sahlo una fududeeyo.

Sidoo caleema saarka suldaanka Cusub ee Suldaan Maxamed suldaan bare warsame shire ayaa Siyaasiyiinta Axsaabta qaranka iyo Xildhibaano katirsan golaha deegaanka hargeysa ay ku bogaadiyeen allena uga baryeen inuu u fududeeyo xilka iyagoo Ducona u diray Sulaanka aabihii suladaab Bare warsame shire.

Salaanmedia/Hargaysa