“Taleex Fidmo Ayaa Laga Soo Wadaa, Laakiin Annagu Cid Ma Daandaansano Ee Waxbaanu Iska Celinaa” Eng Faysal Cali Waraabe

(SM-Hargeysa) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay fitno uu sheegay In Madaxwayne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ka dhalinayo deegaanka Taleex oo uu safar daandaansi ah ku yimid.

Guddoomiyaha UCID oo maanta ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka reer Somaliland aanay cidna daandaansan, balse ay ciddii soo doonata ay iska celiyaan.

Eng Faysal Cali Waraabe, oo arimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi  “Meesha la yidhaahdo Taleex, Fidmo ayaa laga soo wadaa, baryahana waxa joogay Madaxwayne ku xigeenka Garoowe, sheeko khatar ah ayaa ka soo socota oo la doonayo in Somaliland khatar lagu galiyo”

Guddoomiye Faysal oo sii hadlaya ayaa yidhi “Arintaasi waa arin qarannimo, waa in shacab iyo dawladba loo feejignaado, qorigii dabka lahaa ee Garoowe laga bilaabi jiray ee Kismaayo lagu gubi jiray ee Xamar lagu baa’biin jiray ayaa la inala soo doontay”

Guddoomiyuhu wuxuu fariin u diray reer Laascaanood iyo Puntland “Dadka reer Laascaanood waxaan leeyahay dagaal Soomaaliya ayaa wax ku keeni lahayd, nabadbaa wax lagu helaa, fitnadaa Garoowe ka soo gashay isaga feejignaada ayaanu leenahay, wixii kalena waa laga wada hadli karaa, laakiin reer Garoowe waxaanu leenahay annagu wax ma daandaansano ee waanu iska celinaa haddaanu soo jeedsano, fitnada dadka ka daaya oo ku ekaada dhulkiina, xuduuduhuna waa kuwii caalamiga ahaa, Taleex haddaad tagto waxay la mid tahay adiga oo Wardheer oo kale tagay oo Itoobiya ah” ayuu yidhi

Salaanmedia/Hargaysa