Waa maansaddii 3 xaad taxanihii dib u milicsiga gabayadii iyo maan sooyinkii aan sameeyey xilligii halganka lagu jirey

             maanso          
Xuseen xirsi caamir cali
waa  maansaddii 3 xaad taxanihii dib u milicsiga gabayadii 
iyo maan sooyinkii aan sameeyey xilligii halganka lagu jirey
 
hadaba sidii aan hore idiinku ballan qaaday waxa inoo socda maansooyinkii hadba inta wakhtigu ii saamaxo
anigoo ku samaynaya maansooyinkaas korka xaadis waayo qaar badan oo ka mid ah ayaanay suurto
gal ahayn in aan soo dhigo boggaaga war baahinta oo laga yaabaa in ay caadifad iyo cadho kululi ka
muuqato
hadaba waxaan maanta idiin soo gudbinaya maanso la yidhaahdo gaariye
 oo aan su,aalo ku waydiinayey abwaan kaariye ka dib ku dhawaaqistii JSL
maansadan waxaan sameeyey 12/ 9/ 1991 kii ka dib afar bilood ku dhwaaqistii gooni isutaaga dalka
 
waatan maansadii GAARIYE
  
magac dheer nin yeeshoo
rabi dhaxal u siiyoo
dhegtu maqashay baadtee
 
dharaartii tilmaanayd
ninkii dhuuncastii golis
ka dhufdaday intuu yidhi
dhugatana ha daacdee
kol haddaan hengelo dhigay
dhahariyo ragna is baray
dhimashana ka wada simay
allaylehe kar baa dhacay
ku dhawaaqay baad tee
  
dhamoow gaariyaad tee
dhaayo laysasaaraa
waynoo dhinaydoo
waayaha dhacaayiyo
dhulka kala fogaadaa
ninba dhanu kexeeyoo
dhoof baan ku maqqanee
 
inta dhaawacaagiyo neceb
dhimashadaadee
kugu dhaadataanoo
dhabaad ii taqaanaa
dhashii caamir baanee
 
heesahan dhanbaalka a
hadaan dhawr su,aalood
warqad kuugu soo dhigo
dhanka kale jawaabaa
adna igu soo dhiib
 
beryahaa dhawaaqii
tixii dhiiga kicin jirey
dhintay oo ma haynee
maxaa gaariyoow dhacay
aad u dhawrsanaysaa? 
 
ma dhibiijadiiyo dhuugiyo
qaniinkaad dheegoow
ku sheegtaan weli laga
dhibaynoo sida dhogorta
xoolaa ay ugu dhex noolyiin
dharka kuugu hoos jira?
 
mise dhaawacaagiyo dhismihii
la dumiyaa afku hadalba dhaafoo
dhaygag baad ku maqantahay?
laye beri shirbaa dhacay 
carro dheged ku yaaliyo 
dhanka bari ahaayoo
dhaaxo isku guuloo
dhawr wiig la sugayoo
 
dhar qabiil hullaabtoo
makas lagu dhaqaajoo
hubka loogu dhiiboo
darkalaan waxabaw dhimin
ku dhamee go,aanshee
 
dhegta waxaan ku haystaa
nabsi dhaaxo raagaa
dhaxal looga aayoo
maqlay dawlad dhalatee
calankaa dhibaysaan 
dhawrkiisa midabiyo
tawxiidka lagu dhigay
 
dhankastaba ka eegoo
dhugo fiiro gaaroo 
adaw dhuun dalooloo
waad nagaga dhawdee
kii hore ma dhaamaa
mise waa dhigiisii?
 
dhamaantii adkeenii
dhab ahaan ma doodeen?
aaraah ma dhiibteen?
dhalanteed ku noosshii
runta maw dhawaadeen?
nabad maw dhaqaaqeen?
mise weli waxbaa dhiman?
 
dhanka ceerigaabiyo
tolow dhahar ma loo tegey?
mise looma dhaadhicin?
isagana dhibanihii wixii
dhacayba lagu dhigay
 
gob baa samir ku dhaqantee
diintaa dhigaysoo xumo xumo
ma dhaahshee ika dhaaf
malagu yidhi?
 
dhulka miinadii tiil
rag kasoo dhameeyoo
dhagar bay ku xidhantee
dhiibaa naftoodoo dhiirani
ma muuqdeen?
mise cidi ma dhaadana?
 
qoraxdoo nin dhererkii 
dhulka sare u dhaaftoo
ka dhamaatay caadkii
dhuubkii dareentoo
dharabkii ku yaaliyo
dixi dhaadanaysiyo
dhudhun qoys ma haysaan?
 
 
dhinbiliil casuusliyo 
dhaameel macaaniyo
dhirtu ubax ma leedahay?
mise dhaanku waa guul?
 
waakii dhaaxo tebiyee
haduu geeli kuu dhalay
dhaydii abeer koo
dhiil culan ku raagyiyo
ma dhanteen kasoofeen?
mise weli dhallaankii 
gaajuu dhanqalan yahay?
 
 
 tuugii dhacaayiyo
ninkii diinta wax u dhima
sharci adag ma loo dhigay?
mise seeto dheer baa 
dhudhun ka ugu xidhanoo
intuu dhalasho sheegtaa
dhulka joog tidhaahdeen?
 
aan dhaabadeeyee
ina xaashi dhamacoow
maqlay dawllad dhalataye
anna dhuux warkaygoo
dhaartiyo wallahan dhacay 
ma dabayn karaynaa?
 
xuseen xirsi caamir cali