Wadanka Liberia oo Muujiyey in Somaliland Buuxisay Shuruudaha Dal Lagu Aqoonsan

image

Liberia -(SM)– Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu xaalad caafimaad u joogo kula kulmay safiirka wadanka Liberia (Laybeeriya) u qaabilsan Imaaraadka Carabka Ambassadoor Arun Pancharia.

 

Safiirka dalka Liberia u fadhiya Imaaraadka Carabta, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka u sheegay in Jamhuuriyada Somaliland u qalanto aqoonsi, marka la eego horumarka iyo degannaanshaha ay muujisay muddadii 22-ka sanno ahayd Somaliland ka madaxbannaanaydSoomaaliya.

 

“Waxa aan ballanqaadayaa in dalkayga Liberia samayn doono wax kasta oo aannu ku taageeri karno in Somaliland hesho xaqa ay u leedahay inay ka mid noqoto dalalka Qarammada Midoobay,” ayuu yidhi safiirka Liberia u fadhiya Imaaraadka Carabta oo la hadlayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

 

Ambassador Arun Pancharia oo ah diblomaasi saamayn xooggan ku leh Afrika iyo Khalliijka Carabta, ayaa sidoo kale la-taliye u ah siddeed madaxweyne oo Afrikaan ah, isagoo sidoo kale ah taajir maalgashi xooggan ka sameeyey ilaa 20 wadan oo ku yaal qaarada Afrika, iyadoo taageerada siyaasadeed ee uu u muujiyey Somaliland tahay mid qiimo culus ku fadhida.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo in muddo ah xaalad caafimaad iyo nasasho ah u jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa safiirka Liberia uga mahadceliyey taageerada uu u fidiyey Somaliland, isagoo xusay in xidhiidh fiicani dhexmari doono dalalka Somaliland iyo Liberia.

 

 

Md. Saylici, ayaa sidoo kale hore dalka Imaaraadka ugula kulmay safiirka wadanka Niger u fadhiya Isu-taga Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dhinac isla soo qaadeen sidii xidhidhiid diblomaasiyadeed u dhexmari lahaa dalalka Somaliland iyo Niger.

Dalalka Liberia iyo Niger ee madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland diblomaasiyiintooda kula kulmay Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ah wadammada ku yaal galbeedka Qaarada Afrika.

Salaanmedia/Hargaysa