War Dag Dag Ah:Ciidamada Kenya Oo Sheegay In Ay La Wareegeen Xarunta Westgate

Sep 24,2013 Kenya (SM) Milatariga Kenya ayaa goor-dhowayd sheegay in ay gebi-ahaan la wareegeen xarunta Westgate oo tan iyo sabtidii la soo dhaafay ay ku jireen rag hubeysan kantirsanaa Ururka Al-shabaab halkaasna ku haystay dad la-haysteyaal ah.

Lama garan karo ilaa iyo hada in gacanta ay ku dhigeen milatariga dalkaasi Kenya ragii halkaasi kujiray amaba dhamaantood in la laayay .

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta aya la filayaa in saacadaha soo socda uu qabto shir-jaraa’id oo uu ku faafaahin doono khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgalkaasi.

Dhinaca Ururka Alshabaabna waxa ay sheeganayan in iyana ay lawareegen gabi ahaanba xarunta westgate Mall ee Kenya .

Wixii warar ha kala soco shabakada calamiga cadceednews.com