War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo Goordhaw degmo Muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab kadib dagaalo kadhacay.

alshabaab

War hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya AMISOM ay la wareegeen degmadda Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe oo ay in mudaa heysteen dagaalyanahada Alshabaab.

Dagaal kooban ayaa lagu soo waramayaa halkaa inuu ka dhacay kahor inta aanay gacanta ku dhigin halkaa ciidamada is garabsanaya, waxaana warku intaa ku darayaa in ciidamadan ay labo Jiho kasoo galeen degmadda.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro qasaaro aan badneyn oo soo gaaray dadkii degaanka ee lagu dul dagaalamay inkastoo aaney jirin tiro sugan oo laga helay dadkaasi wax ku noqday dagaalka.

Wixii ka soo kordha lasoco Inshallah.

 

Salaanmedia/Mogdisho