War Deg Deg Ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaweyd safar dhinaca Dhulka ah ku tagay Magaalada Jowhar.

news

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goordhaw safar dhinaca dhulka ah waxa ay ku tageen Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhaxe.

Madaxweynaha oo safarkiisa ku wehliyaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar , waxa ayna xiligan kusugan yihiin Beer weyn oo kutaala Jowhar halkaas oo la filayo in ay kulamo kula qaataan Madaxda Gobolka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Jowhar.

Beerta hada Madaxweynaha kusugan yahay waxaa kasocota munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweenayo madaxweynaha iyo wafdiga lasocda , amaanka Magaalada Jowhar ayaana ah maanta mid si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay kasoo laabtay Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu xalay ku hoyday waxa uuna durba saakay safar dhinaca dhulka ah ugu sii ambo baxay Magaalada Jowhar.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Salaanmedia/Mogdisho