War Deg Deg ah: Shabaab oo ka baxay degmooyin ka tiran gobalka Hiiraan oo ay mudooyin heysteen.

alshabaab

Wararka laga helay gobalka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya waxa ay sheegayaan in ururka Alshabaab ay ciidamadooda kala baxeen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula burte oo sanadihii ugu dambeeyey ay gacanta ku hayeen.

Ka bixitaanka Alshabaab ee degmooyinkaas ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda oo garabsanaya AMISOM ay gacanta ku dhigeen degmooyinka Mahadaay iyo Buurane oo degmooyinka hada laga baxay aan ka fogeyn.

Dadka degaanku waxa ay noo sheegeen in Shabaabku ay ka cabsadeen weeraro uga yimaada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ee ku sugan Mahadaay iyo Buuraane.

Ciidamadii Shabaab ee halkaa isaga baxay ayaa la sheegay inay gaadheen degaanka Maxaas ee gobalka Hiiraan, halkaa oo ay marto wadada isku xidha degmada Ceelbuur iyo gobalka Hiiraan.

Salaanmedia/Mogdisho