WAR DEG DEG: Ciidamada Kenya oo sheegay inay la wareegeen dhamaan dhismaha Westgate (Sawirro)

 Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen dhismaha Westgate, isla markaana ay ka nadiifiyeen dabaqyada dhismaha kooxihii argagixisada ahaa.

Mr Ole Lenku oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay bad baadiyeen qaar ka mid ah la heystayaashii, ayna dileen labo ka mid ah maleeshiyada.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ay ku howlan yihiin ka taxadarida xaalada goobta, isagoo xaqiijiyay in dhismaha kor uu dab qabsaday, halkaasoo qiic iyo uuro ay ka baxeyso.

Mr Olenku ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay xaalada caadi ku soo celin doonaan, isla markaana aanay marnaba ka seexan doonin kooxaha argagixisada sida uu hadalka u dhigay.

Diyaaradaha qumaatika u kaca ayaa dul heehaabaya dhismaha kore, waxaana ku qul qulayay gawaarida ambalaaska iyo kuwa dab damiska.

Telefishinada ayaa laga arkayay qiiq iyo uuro ka baxayay dhismaha kore ee Westgate Mall, iyadoo qaraxyo waa weyn oo dhowr ahaa la maqlay.
Ciidamada Kenya oo garab ka helayay Ciidamo ajnabi ayaa qaaday howl galkii ugu dambeeyay ee dhismaha, halkaasoo saddex maalmood ay heysteen Maleeshiyooyin mintidiin ah.

Xarakada Al-Shabaab oo weerarkan sheegatay ayaa Afhayeen u hadlay waxaa uu meesha ka saaray in aanay wax wada hadal ah la geli doonin Kenya oo ku aadan dadka ay heystaan.

Ilaa iyo hada lama oga waxa ka socda dhismaha Westgate oo ay ku sugan yihiin ciidamada, wariyeyaasha ayaa laga fogeeyay dhismaha ilaa 300-mitir, walina waxaa dusha sare ee dhismaha ka baxaya qiic.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan waxa ka soo cusboonaaday dhismaha oo goor dhoweyd qarax xoogan uu ka dhacay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Salaanmedia/Mogdisho

 

 

 

 

 

 

Â